Kooxda SAGALJET Oo 2-1 Ku Jiidhay Kooxda MAANSOOR Ciyaar Kubadda Cagta ah oo Ka dhacday Garoonka Badhtamaha

Haargeysa (OWN) Kooxda SAGALJet ayaa 2-1 kaga adkaatay kooxda Maansoor, Tartan kubadda cagta oo ay maalgalisay shirkadda SO! Oo ka qabsoomay garoonka Badhtamaha (Central Sports) ee Hargeysa.

Ciyaartan oo xiiso badnayd ayaa goolka waxa ku hormartay kooxda Sagaljet, kaasi oo uu u saxeexay ciyaartoyga lagu magacaabo Tafo, qaybtii hore ee ciyaarta oo lagu kala nastay 1-0. Qaybtii dambe markii lasysku soo noqday, aya waxaa goolkii labaad keensatay kooxda Sagaljet oo uu u dhaliyey laacibkooda lagu magacaabo Maajid, oo isagu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay kooxda Sagaljet ku hogaaminayso ciyaarta. Kooxda ku ciyaaraysay Maansoor ayaa la timid goolkooda ay ku saa’imad baxeen, goolkaasi oo rigoodhe ahaa ayaa waxa u dhaliyay ciyaartoyga lagu magacaabo Axmed Dhako oo ciyaarta ka dhigay 2-1, ugu dambayna ciyaartaasi maanta waxay ku soo dhammaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Sagaljet.

Groupkan oo ah C ayaa waxa kuwada jira kooxha Sagaljet, Maansoor, shacabka iyo kooxda Damal. Shacabka Iyo Damal ayaa Arbacadii shalay wada yeeshay ciyaartoodii labaad waxaana badiyay kooxda SHACABKA. Waxaana Lix dhibcood ku hogaaminaya Kooxda Sagaljet, halka labada kooxood ee Maansoor iyo Damal ay leeyihiin min saddex dhibcood.

Beri oo Jimce ah 1 June18 waxa Iyana loo balan sanyahay Group-ka D ciyaarahoodii 2aad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker