Dawladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka Oo Yeelanaya Shir Laba Geesood ah

Wakaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay baahisay hoggaamiyaha dalka Kim Jong-un inuu oggolaaday inuu Moscow booqdo si uu shirka laba geesoodka ah uu uga qayb galo. Iclaaminta hoggaamiye Kim ayaa waxay ku soo beegantay xilli uu wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sargei Lavrov uu booqasho ku tagay Kuuriyada Koonfureed.

Kim Jong-un iyo Sargei Lavrov

Wakaaladdu waxaa kale ee ay sheegtay xilligi ay kulmeen Mr Lavrov iyo hoggamiyaha Kooriyada Waqooyi inuu Kim caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan sida ay uga go’an tahay baabbi’inta hubka niyuukilarka iney waxba iska beddeleyn. Mr Kim oo sheegay iney arrintani ay u dhici doonto “tallaabbo tallaabbo” furana ay u tahay wadahadalka dalkiisu uu la yeelan doona Mareykanka oo doonayo inuu waddankiisu hubka baabi’iyo iyada oo ay jirin wax cunaqabateyn ah oo laga dabciyey dalkiisa.

Mar sii horreysay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa wuxuu sheegay iney horumar wanagsan laga sameeyey wadahadalki khamiisti magaalada New York uu kula yeeshay xubinka uu aadka ugu kalsoon yahy Mr Kim.

Balse, Pompeo wuxuu ka gaabsaday inuu wax ka yidhahdo shirka ay yeelan doonaan Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim iyo Madaxweynaha Mareykanka Trump xilliga uu dhacayo. Generaal Kim Yon-chol oo ah xubin uu si weyn ugu kalsoon yahay madaxweyne Kim oo haatan ku sugan Mareykanka ayaa waxa la filayaa Dhmbaal uu ka sido Kim Jong-un inuu gaarsiiyo Madxweyne Trump Maalinta Jimcaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker