Dalka Talyaaniga Oo Raysal-wasaare Cusub Yeeshay

Madaxweynaha Talyaaniga ayaa Giuseppe Conte u soo xushay inuu noqdo ra’isal wasaaraha xiga ee dalka marki labad mudda siddeed maalmood gudahood ah. Mr Conte oo ah xubin ay isku waafaqsan yihiin xisbiyada Five star iyo League ayaa waxay durbadiba billaabeen iney soo gudbiyaan xubnaha ay doonayaan iney u soo galan golaha wasiirrada uu dhisi doono r’isal wasaaraha cusub.

Xisbiga populist ayaa wuxuu asal ahaan doonayey inuu dowladda soo dhiso balse waxaa si cad uga soo horjeestay madaxweyne Sergio Mattarella, maadaamaa wasiirka uu xisbigu u soo shrraxday dhaqaalaha Paolo Savona aragtida cidhiidhyan uu ka qabo in midowga yurub uu dalka talyaaniga ka bax awgeed.

Waxaana wasiirkaasi booskiisa lagu beddelay Giovani Tria oo ah aqoonyahn dalka can ka ah oo aan u ololeyneyn in laga baxa midowga Europe.  Dowladda uu soo dhiso Conte waxaa la filayaa in la dhaariyo jimcaha. Mr Conte ayaa wuxuu sheegay iney dowladdiisa diyaar u tahay iney u shaqso dhammaan shacabka Talyaaniga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker