Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Dad loo Xidhay shaqaaqadii Ceel-afweyn

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,ayaa sheegay in ay Xukuumaddu tallaabao adag ka qaadayso cid kasta oo isku dayda in ay  carqaladayso nabadaynta labada beelood ee wlalaalaha ah iyo go’aamada la isa qaaqatay.

 

 

Waxaa kale oo uu wasiirku intaa ku daray in ay jiraan shaqsiyaad loo qabtay shaqaaqadii Ceel-afweyn oo xidhan iyo qaar hore loo soo gudbiyay waxaanu umadda ku boorriyay in ay ALLE ka baqaan oo ay iska illaaliyaan cid kasta oo fidno dhex dhigaysa nabad gelyadoodana cadaw ku ah.

 

 

Wasiir Kaahin oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Degmadan Ceelafweyn shaqaaqooyinkii ka dhacay meel wanaagsan ayay marayaan, ILLAAHAY-na haynaga damiyo shaqaaqooyinkaasi, dadka colaadda hurinayana waxaanu leenahay ILLAAHAY ka yaaba oo dadka dhibaatada ka daayaa, arrima dooraba halkan go’aan laga gaadhay gudiyadii labada dhinacna way shaqaynayaan in ciddii nabad-geliyo daro wadana tallaabo sharciya laga qaado oo ummada laga qabto, hada qaarbaa halkan ku xidhan kuwa horena waanu gudbinay hawshaasina waa hawl qaranka oo dhan u taalla meella aynu uga soo wada jeesano,ALLE-NA Ramaanta barakadeeda heyna siiyo dhibaatadana ha iinnagaga joojiyo.”

 

 

Oodweynenews Hargeysa office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker