Xaalufinta Deegaanka Miyi Ilaa Magaalo W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Bulsho waliba waxay ku nooshay deegaan kaas oo uu Alle ku abuuray hadaba sidaas oo ay tahay deegaan waliba wuxuu noqdaa hadba sida ay bulshada ku nooli u ilaashadaan ama u baabiyaan hadba inaga oo ka nasiib badan bulshaooyin badan oo uu Alle ku abuuray deegaan baraf fadhiyo kuwo saxare haawanya degan kuwo buuralay ku dul nool qaar cadeeda wax yar arka iyo kuwo kulayl lagu itaxaamay hadana sidaas oo uu deegaan koodu yahay isku tashaday oo wax ka dhigay, ayaa waxa cajiib kula noqonaysa marka aad eegto deegaan keena oo ah mid dhammaan ka madax banaan dhibatooyinka dabeeciga ah ee aan kor ku soo xusay iyo sida ay bulshadeenu miyi iyo magaalaba u la dhaqmeen deegaan keena.

Waxa aad la yaabaysa marka aad bulshadeena barbar dhigto bulshooynka lamidka ah ama wadamada inala midka ah bulshooynka ku dhaqan sida ay u dhawrtaan bilicda deegaankooda iyo sida ay kuweenu u dayacaan deegaan keena waxa kuu cadynaysa hadii aynu ugu horaynba milicsano kuwa kudhaqan magaalooyinka wadanka .

Waxa aad arkaysaa kuwo inta ay xashiishka iska xaadhan hadana ku qubaya jidadaka ama hordhigaya kuwa la jaar ka ah waxa aad arkaysa kuwo biyaa xalka iyo saabuunta ku daadinaya jidadka laamayga ah kadibna ay saabuunt jeex jeexayso daamurka wadada waxad arkaysaa kuwo caagadaha ay sharabka ka caban ku tuuraya jidadka kadibna ay qashin isku rogayaan marka ay baabuurtu jiidho waxad arkaysaa kuwo garaabada ku daadinya jidadka waxad arkaysaa kuwo kaartoonta iyaguna ku daadinaya jidadka waxaad arkaysa iska rogo ciid sida dabaduna u furantay ciiduna kaga qubanayso wadada ay marayso.

Dhanka miyiga hadaynu u yara leexano iyaguna may yaraysan oo dhankooda waxay wadaan haawlo kuwanba kadaran waxa ay jareen dhirtii oo ay labo u kala qaybiyeen qayiib dhuxul laga shiday qayiib seerayaal lagu ooday waxa aad yabaysa marka aad argato kaymo xidh ahaan jiray shiniduna malabka dhigi jirtay midhah noocyadooda kala duwani ay kabixi jireen oo duur joogta quruxda lehi joogi jirtay oo xoolu gu’ iyo jiilaalba ay ku Noolaan jireen oo dugsoonka aanad waxba huwanjirin oo udgoonka ubaxa dhirtu sanka aad laraaci jirtay oo hadh macanida aanad katoosi jirin oo dab la galiyey oo dhuxul laga shiday ama seere laga dhigay ama banaan cadba noqday oo aad hanfiga iyo kulaylka aad haraadayso oo aadan moodaynba dhulkaad taqaanay oo xooli uugamayaan markii ay waayeen kayn ay galaan ama geed ay daqaan oo naf leh .

Ugu dambayntii wadaniga dhabta ahi kan maha ee waa ka deegaankiisa dhawrta ogow hadii aad deegaankaaga dhawrato waa gurigaagi oo aad dhawratay haadii aad dhawran waydana waa gurigaagi oo aad dayacday hadaba bal fikira bulshoy oo dhawra deegaankeena dahab ka ah.
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com
Fb: Cabdiraxmaan Rashiid Dalmr

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker