“Beeshayada waa in ay si xoog leh uga qayb qaataan Mudaaharaadada” Boqor Buurmadow

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow Oo Ka Mid Ah Madax-dhaqmeedka JSL, kuwaadda Ugu Magac Iyo Maamuuska Weyn, Ayaa Ugu Baaqay Dhammaan-ba Beel-weynta Habar Jeclo Inay Si Weyn Uga Qayb Qaataan Muujinta Awoodda Shacabka Reer Somaliland Iyo Muddaharaad-yadda Salmiga Ah Ee Xisbiyadda Mucaaridku Bari Ka Dhigayaan Guud Ahaanba Dalka.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow, Ayaa Sheegay Inay U-jeeddadda Laga Leeyahay Muujinta Awoodda Shacabka Reer Somaliland Ay Tahay In Madaxweyne Biixi Iyo Xukuumaddiisa Lagu Soo Celiyo tubta Ku Dhaqanka Shuruucda Iyo Distuurka Dalka Oo Uu Ku Eeddeeyey Inuu Biixi Gacmaha Ku Qaatay Sharcigii Dalka, Kadib Markii Uu Si Toos Ah U Diidday Inay Doorashaddii Madaxtooyaddu Wakhtigeeddii Ku Qabsoonto.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow, Ayaa Madax-da Dhaqanka Ee Beeshiisa Ugu Baaqay Hogaaminta Muddaharaad-yadda. Iyaddoo Siddoo kale Uu Ugu Baaqay Dhammaan-ba Madax-da Dhaqanka Ee Dalka Oo Dhan Inay Si Weyn U Hogaamiyaan Muddaharaad-yadda Salmiga Ah Ee Xisbiyadda Mucaaridku Bari Ka Dhigayaan Guud Ahaanba Dalka JSL, Isla-markaana Meel Looga Soo Wadda Jeesto Madaxweyne Biixi Iyo Xukuumaddiisa Oo Dabadda Dhulka Loogu dhufto Si Sharciga Dalka Ugu Soo Noqoto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker