Xukuumadda Somaliland Oo Hakisay Qorsheynta Beeraha ka Baxsan Magaalada Hargeysa

Wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland ayaa joojisay nashqadaynta beeraha ee darafyada Caasimada Hargeysa , sida lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha guud Mudane Cilmi Cabadiraxmaan Cashuur.

 

 

Wasaaraddas Hawlaha guud, waxa ay amar adag ka soo saartay qorshaynta beeraha iyo dhulka la baxsan caasimadda, sidoo kalena waxay ku wargelisay dhammaand dadka muwaadiniinta ah in aanay jirin cid beer qorshayn karta oo aan ahayn Xafiiska naqshadaynta dhulka ee Wasaaradda hawlaha guud.

 

 

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Wasaaradda Hawlaha guud dhulka iyo guryeynta waxa ay qaranka uga masuul tahay dhulka iyo guryaha sida ku cad digreetada uu ku magacaabay Madaxweynaha Somaliland.

 

 

Sidaa awgeed Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan muwaadiniinta beeraha sharciyaysan ee darafyada Caasimada in aanay jirin cid beer qorshayn karta oo aan ahayn Xafiiska naqshadaynta dhulka ee Wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, sida ku cad xeerka Maamulka Dhulka ee Law NO 17.

 

 

Waxa kale oo aan uga digaynaa dhammaan cagafyadda in aanay qorshayn Karin beeraha aan ka haysan wax ogolaansho ah Wasaaradda hawlaha guud .

Habada Ciddii fulin wayday amarkaas waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.”

 

Wasaaradda Hawlaha guud

Mudane Cilmi Cabadiraxmaan Cashuur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker