Maxkamad ku Taala Mareykanka Oo 35 Sano Ku Xukuntay Nin Shabaab Lagu Eedeeyey

Maxkamad ku taalla Gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa 35 sano oo Xabsi ah ku xukuntay Nin Mareykan ah oo lagu helay in uu ku biiray Al-Shabaab.

 

Maalik Alim Jones, oo 33 jir ah ayaa lagu helay in uu u safray Soomaaliya, lana tababartay Al-shabaab,waxaana eedeeyay xeer ilaaliyayaasha Federaalka Mareykanka.

 

Maxkamadda Manhattan ,ayaa Maalik ku xukuntay 35 Sano oo xabsi ah oo uu ku muteystay safarkiisa Soomaaliya, ku biirista iyo la tababarashada Al-shabaab.

 

Tababarka kaddib waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu Al-shabaab u qaaday Qori AK-47 sidoo kalena ka bar bar dagaallamay.

 

 

Waxaa lagu eedeeyay in uu 2011 kii tagay Kenya kaddibna galay Soomaaliya isaga oo 3 bilood tababar milatari la qaatay AL-shabaab, Qur’aankana ku bartay xero AL-shabaab ay dadka ku tababaraan oo gudaha Soomaaliya ku taalla.

 

 

Waxaa ay xeer ilaaliyayaasha sheegeen in Maalik uu ku biiray Ciidanka gaarka ah ee Al-shabaab ee loo yaqaan Jeysh Al Ayman, kuwaas oo weerarro ka fuliya gudaha Kenya.

Waxaa lagu soo oogay in uu Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya kula dagaallamay Degmada Afmadow ee Goolka Jubada hoose.

 

 

Ninkan waxaa 7 dii December 2015 kii gacanta ku dhigay Ciidamada Soomaaliya,xilligaas waxaa uu la socday Doon ku socotay Yemen, Waxaana lagu wareejiyay dowladda Mareykanka.

Image result for Maalik Alim Jones

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker