Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucsay Ruqsadiina Kala Noqotay Laba Telefiishan Ee SBS TV & SOMNEWS TV

Xukuumadda Somaliland ayaa  dalka ka mamnuucday in ay ka hawlgalaan laba telefishan ee SBS iyo SOMNews – sida ay werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.

 

 

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay wakaallada u baahisa wararka Somaliland ayaa lagu yidhi “Waxa caddaan ah in labada telefishan ee kala ah SBS TV & SOMNEWS TV ay ku kaceen falal olole siyaasaddeed iyo dagaal borobagaande cad oo ay ku hayaan qaranka Somaliland.”

 

Dhanka kale wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa labadani telefiishan u cuskatay qoddobo kamid ah xeerka saxaafadda Somaliland waxaana lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland in;

Telefishanka SBS TV.
Waxa uu caado ka dhigtay telefishanka SBS in uu sameeyo, isla markaasina baahiyo warar iyo barnaamijyo been-abuur ah oo qaawan iyo kicin dadweyne oo fidno abuur ah.

Tusaale cad waxa u ah falalkaas siyaasadeed iyo kicintaas muuqaallada iyo heesaha joogtada ah ee guubaabada ah ee loogu hanjabayo Somaliland, isla markaasi loogu samaynayo borobagaandhe taageero ah Puntland.

 

 

Telefishanka SOMNEWS TV.
Sidoo kale telefishanka Somnews TV waxa uu isna si joogto ah u baahiyaa baaqyo kicin iyo guubaabo qabiilaysan, kuwaasi oo fidno ka dhex abuuraya bulshada Somaliland.

Tusaale waxa u ah falalkaas siyaasadeed iyo kicintaas muuqaallada iyo barnaamijyadda qabyaaladaysan oo guubaabo dagaal ah oo ka baxay Somnews TV wakhtiyo kala duwan laga soo bilaabo taariikhdu markay 21 May 2018.

Sidaasi awgeed, waxa muuqata in telifishannadaasi ay lumiyeen dhexdhexaadnimadii iyo dhawristii xeerarka waaqicinimada saxaafadda, sugnaanshaha xogta, iyo anshaxa mihnadda saxaafadda ee laga filayey in ay dhawraan. Isla markaasina, waxa ay jebiyeen Telifishanadaasi shuruudihii laga doonayey hay’ad kasta oo warbaahineed oo ka shaqaynaysa Somaliland inay dhawrto.

 

 

Dhinaca kale, waxa ay ku xadgudbeen qodobbo ka mid ah xeerka Saxaafadda No. 27/2004, ee Somaliland, Qodobkiisa 10aad oo qeexaya u hoggaansanaanta Xeerka Saxaafadda ee tilmaamaya raadinta xaqiiqada iyo sugnaanshaha xogta.

Sababahaasi awgood Wasaaaradda Warfaaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay soo saartay amar ay kaga mamnuucayso telifishannadaasi SBS & SOMNEWS in ay ka hawl galaan amma wax shaqo ah ka qabtaan dalkan Somaliland gudihiisa.

Waxana la amrayaa taliyaha ciidanka Booliska, Guddoomiyayaasha gobollada & mayorrada magaalooyinka, in la xidho dhammaan laamaha iyo xafiisyada SBS & SOMNEWS TV ee dhammaan gobollada dalka. Sidoo kalena waxa la mamnuucay in wax shaqaale ah amma suxufiyiin ahi ay warar iyo warbixino uga diraan telifishanadaasi SBS & SOMNEWS Gudaha Somaliland.

Ugu danbeyntiina waa markii ugu horeysay ee tiro intaasi leeg oo telefiishano ah laga mamnuuco deegaanada Somaliland in ay ka hawl galaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker