Israel Oo Gidaar Weyn Ku Xidhaysa Badda iyo Xeebta Gaza

Wasaarada Difaaca Israel ayaa sheegtay inay bilowday dhismaha darbi ay ku xireyso xeebta iyo biyaha marinka Gaza oo ah dhul go’adoon ku jira.

Avigdor Lieberman, Wasiirka Difaaca Israel oo kamid ah siyaasiyiinta xagjirka ah ee yuhuuda, ayaa sheegay in mashruucan uu ka xiri doono ururka Xamaas inay dhanka bada usoo maraan dhulka Israel ka taliso.

Mashruucan oo la filayo in lasoo afmeero dhamaadka sanadkan ayaa ka kooban dhagaxaan waaweyn oo bada Gaza lagu xirayo kuwaasi oo laga dul sameenayo silig dheer oo xiraya xeebaha Gaza.

Israel iyo Masar ayaa horey xayiradaad dhanka dhulka ah u saaray Marinka Gaza oo uu ka taliyo ururka Xamaas ee reer Falastiin.

Ciidamada bada ee Israel iyo maraakiibtooda dagaalka ayaa horey dhibaato weyn ugu hayey kulmeysata reer Falastiin oo ay u diidaan inay soo dhaafaan 11km meel u jirta xeebtooda, rasaasta ay ku ridaan kaluumeysata ayey horey dad shacab ah ugu dhinteen.

Dhinaca kale duqeyn Israel ay Axadii shalay la beegsatay Marinka Gaza ayaa lagu dilay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kooxda Islamic Jihad.

In ka badan 120 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii bilihii lasoo dhaafay dhulkaasi ka bilowdeen mudaharaadyo balaaran oo looga soo horjeedo Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker