Ergeyga gaarka ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan oo kulamo ka wada Turkiga

Thomas West, oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afgaanistaan, ayaa la kulmay tiro ka mid ah siyaasiyiinta Afgaanistaan, ​​iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha rayidka, intii lagu guda jiray safarkii gobolka ee uu ku tagay Turkiga Isniintii.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka, ayaa carabka ku adkeeyay in “dariiqa laggu socdo ay tahay inuu noqdo mid nabadeed.” Waxa la door bidayaa wada hadal, ee maaha dagaal.

Kar hore ayuu si la mid ah xiligan xoogga u saaray, ka dib markii uu ka qayb galay shirkii Afgaanistaan ​​ee ka dhacay magaalada Doha.

Waxa uu bartiisa twitterka ku baahiyey sawiro ay ku wehelinayaan siyaasiyiin kale kulamadii kala duwanaa, isagoo intaa raaciyey in Maraykanku “uu sii wado hannaanka nabad raadinta, isagoo la tashanaya Afgaanistaan.”

Waxa uu carabka ku dhuftay in inta lagu guda jiro kulamadan, “uu muujiyey walaac qoto dheer oo ku saabsan go’aamada Taliban, gaar ahaan xuquuqda haweenka ee waxbarashada, shaqada, iyo mustaqbalka.”

Mr. West ayaa sheegay in isaga oo ka jawaabaya welwelka, “Waxaan sidoo kale ku nuuxnuuxsaday ballanqaadka joogtada ah ee Maraykanka ee dadka Afgaanistaan, go’aankayaga inaan la shaqeyno [xisbiyada kale], si wax loogga qabto dhibaatooyinka bini’aadanimo, iyo inaan taageerno wada hadal dhexmara Afgaanistaan ​​​​oo ku saabsan mustaqbalka dalka.”

Kadib markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Kabul ee xarunta dalka Afghanistan, ayaa waxaa tagay tiro aad u badan oo ka mid ah saraakiishii hore ee dowladii hore magaalada Istanbul, iyo dadka u dhaq dhaqaaqa siyaasada Afgaanistaan ​​kuwaasoo dibad joog ah, sidaasi waxaa sheegay “Golaha Sare ee Badbaadinta Afgaanistaan” oo ka dhan ah xukuumada Taliban.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker