Somaliland Oo ka hadashay Hawadeeda, Dawlada Somaliyana Eedaymo Usoo Jeedisay
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay u madax banaan tahay maamulista hawadeeda oo aanay jirin cid kale oo xiligaan la maamusho hawada.
Maareeyaha Duulista iyo Garoomada Somaliland Maxamuud Cabdi Rodol oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay haweeda aanay cid la maamulin, isla markaana ay iyada u madax banaan tahay.
Maareeye Maxamed Rodol ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay dooneyso inay khal-khal galiso xidhiidhka dhanka hawada ee kala dhexeeya dalalka Dunida.
Waxaa uu sheegay in garoomada diyaaradaha Somaliland ay u furan yihiin dhamaan diyaaradaha Caalamiga ah ee doonaya inay kasoo degaan, marka laga reebo duulimaadyadii ay mamnuuceen sababo la xidhiidha Cudurka Coronavirus.
Si kastaba hadalka Maareeyaha Duulista iyo Garoomada Somaliland ayaa waxaan uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta Garoonka Hargeysa ay ka degtay diyaaradda Ethiopian Airline, xili ay dowladda Federaalka Soomaaliya joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwii kabixi jiray.