Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Xaalada Deegaanka Tukaraq
Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaadhaya deegaanka Tukaraq ee shalay dagalka qadhaadhi ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa sheegaya in weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaankaas tukaraq ee gobolka Sool .
Wararkii u dambeeyey ayaa waxa ay sheegayaan in maanta mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay labada dhinac isku ridayaan.
Dagaalkii shalay ayaa khasaare ba’an u gaystay labada dhinacba, iyadoo midba midka kale ku eedeynayay in dagaalka uu kusoo qaaday,waxaana jiray khasaaro labada dhinac dagaalkaas kasoo gaadhay.
Beesha Caalamka ayaa dagaalkaas walaac ka muujisay,iyaga oo ku baaqay in sideg deg ah loo joojiyo.
Oodweynenews Newsroom