Wararkii ugu Dambeeyey Dagaalka Deegaanka Tukaraq

Tikaraq(OWN)- Warar dhexdhexaad ah  ayaa ka soo baxaya dagaal la iskugu waabariistay oo ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhexmaray degaanka colaada ay ka joogsan la’dahay ee Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamada ayaa xabada isku bilaabay 05:30-AM aroornimo, wuxuuna dagaalka ahaa mid culus oo dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, iyada oo inta uu dagaalka socday ay aad u adkeyd in la isku helo isgaadhsiinta.

 

Labada dhinac ayaa ciidankoodii ugu badnaa isugu keenay aagga uu dagaalka ka dhacayay, maadaama maalmahanba ay socotay fariin u muuqatay in la isku balansanayay dagaal.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhaya degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu si iskiis ah u joogsaday, kadib markii dhinacyadan ay kala daaleen oo aanay jirin cid kala dhexgashay, balse weli waxaa goobta laga maqlayaa mararka qaar rasaas goos goos ah oo loo filan karo in markasta uu dagaal dhici karo.

 

 

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ilaa hadda ma cadda, balse waxaa jira khasaare kala duwan oo dhinacyadan soo kala gaadhay, iyo gaadiidka qaar oo halkaasi ku gubtay, waxaana dagaalka kadib hadalo isku jawaabid ah hawada isku mariya dhinacyada ay dirirtu dhexmartay.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in saakay aroortii ay weerar ku soo qaadeen ciidan uu sheegay in ay ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya, wuxuuna Beesha Caalamka ka dalbaday in ay indhaha ku hayaan waxa ka socda Tukaraq.

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta u duulay deegaanada ay Duufaanta ku dhufatay ayaa waxa uu sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin nabadda, balse hadii lagu soo xadgudbo ay difaacayaan.

 

Dhanka kale  Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Puntland C/laahi Maxamed (Quraan-jecel) ayaa sheegay in ciidanka Somaliland ay Saddex aag ka soo weerareen ciidanka Puntland, balse ay iska difaaceen ciidanka Puntland, wuxuuna tilmaamay degaanadii lagu dagaalamay in ay gacanta ku hayaan ciidankooda.

 

 

Oodweynenews Newsroom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker