Muwaadin Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Goobtiisa Ganacsi Dalka Koonfur Afrika.
Budhcad u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa xalay dalkaasi waxa ay ku dileen muwaadin Somaliyed, kadib markii ay ku weerareen goobtiisa ganacsiga dalkaasi.
Dilka ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Qamata oo ka tirsan dalkaaso South Afrika, kadib markii dableyda ay beegsadeen marxuumka oo la odhan jiray Bashiir Abuukar Maxamuud goobtiisa ganacsigana ay ku dhex dileen.
Mid ka mid ah dadka Soomaalida ah ee dalkaasi Koonfur Afrika ku Ganacsada ayaa waxa uu sheegay in dilka kadib kooxdii Budhcada aheyd ay goobta isaga baxsadeen,hayeeshee ay baadhitaano sameeyeen Ciidamada Booliska dalkaas wallow aysan qaban kooxdii dilka geysatay.
Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa sheegay muwaadinka xalay la dilay muddo sanado badan inuu ku ganacsan jiray dalka South Afrika, balse ugu dambeyn xalay budhcaddaasi ay dileen.