Maxkamadda Puntland Oo Xukun Ku Ridey Nin Xaaskiisi Hore Muuqaalo Anshax Xumo Ah Ka Faafiyey

Maxkamadda degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageed ah isugu dartay Cali Xabiib Maxamed oo lagu soo eedeeyey inuu muuqaal anshax xumo ah ka faafiyey haweeney ay kala tageen.

Ugu horeyn xeer ilaalinta ayaa soo jeedisay gal dacwadeedka eedeysanaha, waxayna sheegtay in Cali uu qirtay inuu faafiyey muuqaal ay isku qarsadeen xaaskiisii hore.

Farxiyo Maxamed Aadan oo ah haweeneyda ay kala tageen Cali ayaa u dacwootay hey’adaha garsoorka Puntland ee degmada Burtinle, kadib markii ay baraha bulshada ku aragtay muuqaal anshax xumo ah oo seygeedii hore uu ka faafiyey.

Eedeynta kadib, xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u soo jeedisay in Cali Xabiib lagu xukumo laba sano oo xabsi ah iyo 5,000 oo dollar oo ganaax ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Burtinle Maxamuud Jaamac Mire oo ugu dambeyntii xukunka kiiskaas ku dhawaaqay ayaa Cali Xabiib Maxamed ku xukumay laba sano oo xabsi ah iyo 3,000 oo dollar oo ganaax ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker