Diyaarad lagu la’yahay Indonesia Oo Qayb Ka Mid Ah La Helay

Dowlada Indonesia ayaa sheegtay in uu socdo baadi goob xoog leh oo lagu raadinayo diyaarad ay lahayd shirkada Sriwijaya Air .

Wasaarada gaadiidka dalka Indonesia ayaa sheegtay in baadigoobka uu bilowday kadib markii isgaadhsiinta diyaarada la waayay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada caasimadda ah ee Jakarta.

Diyaarada ayaa ku jeeday gobalka Pontianak ee gobalka West Kalimantan ee dalkaasi Indonesia.

Dadka ku nool jasiirad u dhow halkii diyaaradu ku libirtay ayaa sheegay in ay arkeen walxo ay aamisan yihiin in ay yihiin burburka diyaarada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker