Qarax Ka Dhacay Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho
Wararka aan ka heleyno Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaadhi la soo hoos geliyay waxyaabaja qarxa uu galabta ah ku qarxay Degmadaas.
Waxaana qaraxan oo si weyn looga maqlay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah uga dhacay dhabarka dambe ee Hotel Wehliye oo saaran wadada Maka Al Mukarama.
Waxaana ay goobjoogayaal sheegeen inay arkeen gaadhi nuuca raaxada ah oo gubanaya markii uu qaraxa dhacay, balse aanay sheegi karin khasaaraha ka dhashay.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga gaadhigan qarxay cida iska laheyd iyo halka qaraxa lagula soo xidhay, Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliya ayaa sheegay inay wadaan baaritaanada la xiriira qaraxan, islamarkaana dib ka bixin doonaan wixii faah faahin ah.
Waxaana magaalada Muqdisho si joogto ah uga dhaca qaraxyo ka dhaca , Shabaab ayaana inta badan sheegta masuuliyadooda.