Maxay Soo kordhinaysaaa Wasiirrada Cusub ee uu Raaiisul wasaare Xasan Cali Kheyre Soo Magacaabay ?

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa tan iyo markii la ansixiyay waxaa kusoo biiray wasiiro cusub, kadib markii ay iscasileen wasiiro badan, kuwa kalena xilka laga qaaday.

Inkastoo ay adagtahay in wasiir uu katirsanaado xukuumad ay kala aragti duwan yihiin ayaa haddana wasiiro ay kamid yihii Maryam Qaasim iyo Daahir Geele waxay ku dhiiradeen inay soo bandhigaan sida aysan ugu qanacsaneyn qaar kamid ah siyaasadaha xukuumadda, ayna ku dhiiradeen inay is-casilaan.

Wasiir Daahir Maxamuud Gelle oo u dambeeyay wasiiradii iska casilay xukuumadda Xassan Cali Kheyre aya sheegay in dowladda ay ku kala aragti duwanaadeen arrimo ay kamid yihiin siyaasadda arrimaha dibadda, khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo mucaaradka oo uu sheegay inay tahay in la dhageysto, haddii ay wax soo kordhinayaan, halka wasiir Maryam Qaasim na ay is-casishay kadib markii ay sheegtay in aysan ku qanacsanayn qaabkii loo maareeyay dhaqaalihii la uruuriyay xiligii qaraxii Zoobe.

“Walow laga yaaba in aragti kala duwanaashaha qaarkood ay dadka iscasila khalad ku yeelan karaan haddana sida aan ka aragnay dad kala duwan, gaar ahaan wasiir Daahir iyo Maryam Qaasim waxaa muuqata in xukuumadda aysan lahayn aragti fog oo ay meel ula soocta, wax la wada leeyahay na aysan jirin oo koox ay tahay xukumadda , sidaas darteedna ay adagtahay in dadka ka fikir duwan ay la jaanqaadaan”, sidaas waxaa ku dooday Ibraahim Bursaliid, oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya.

Xukuumadda hadda jirta ayaa tan iyo markii la ansixiyay waxaa siyaaba kala duwan uga baxau wasiiro badan kuwaas oo qaar badan xilka laga qaaday, halka kuwa kalena ay is-casileen.

Dadka qaar ee fallanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku doodaya in arrimahan ay dhaawac weyn ku yihiin xukuumadda.

“Qaar kamid ah wasiiradii horay isu-casilay waxay shegeen in ra’iisul wasaaraha uu yahay nin cadaadis badan, tegitaanka wasiir Daahir-na waxay culeys ku tahay xukuumadda”, ayuu yir Maxamed Nuur Caalin oo ka faallooda siyaasadda Soomaalida.

 

Xukuumadda Kheyre markale ma u baahan tahay kalsoonida barlamaanka?

.Lahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image captionQaar badan oo kamid ah ayaan hadda kamid ahayn xukuumadda

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa tan iyo markii la ansixiyay waxaa siyaaba kala duwan uga baxay wasiiro ka badan toban, kuwaas oo kala ah; Daahir Geele, wasiirkii warfaafinta, Yuusuf Garaad Cumar, oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda, Cabdi Faarax Juxa oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha, Cabdicasiis Laftagareen oo hadda ah madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse horay usoo noqday wasiirkii tamarta iyo biyaha, khadra Axmed Ducaale oo ahayd wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha, Axmed Mursal oo hadda ah guddoomiyaha golaha shacabka, horayna usoo noqday wasiirkii gashaandhiga, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ahaa wasiirkii waxbarashada, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Allaha u naxariistee ahaa wasiirka dastuurka, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, wasiirkii gaashaandhigga iyo Cabdifataax Geesey oo ahaa wasiirkii howlaha guud.

Waxaa wasiirada ka wada horreeyay oo magaalada Muqdisho lagu toogtay, Cabbaas Siraji, oo ahaa wasiirka howlaha guud xilligaasi.

Sharci ahaanshah xukuumadda ayay dad badan su’aal geliyeen, iyagoona ku andacoonaya in laba melood meel kamid ah wasiirada uu barlamaanka ansixiyay aysan iminka ka tirsaneyn xukuumadda.

.Lahaanshaha sawirkaOPM
Image captionWaxaa su’aal la gelinayaa sharci ahaanshaha xukuumadda

“Nidaamka wuxuu qabaa in si wadajir ah loo ansixiyay golaha wasiirada iyo qorshaha dowladda, haddii isbadel uu dhaco oo inkabadan laba meelood meel ay baxaan wasiiardii la ansixiyay, sharciga, caqliga iyo garashada ayaa tilmaameyso in golaha wasiirada markle barlamaanka loo weydiiyo kalsooni, mar haddii wasiiradii kalsoonida la siiyay ay baxeen”, sidaa waxaa BBC-da u sheegay Abuukaate Zakariye Yuusuf.

Arrintan oo aysan ku baraarugsaneyn inta badan xildhibaanada golaha shacabka iyo siyaasiyiinta ayuu Abuukaate Zakariya sheegay in kuwa soo jeediyana lagu tilmaamo mucaarad iska hadlayo oo aan loo arkin dad doonaya inay wax saxaan.

“Muuqaalkan aan arkeyna ayaa ah in golahii wasiirada iyo xildhibaanadii ay isku mid yihiin oo aysan jirin cid soo jeedineysa arrintan”, ayuu raaciyay.

Cawaaqibka dhanka sharciga ayuu Abuukaate Zakariya sheegay in taas ay keeni karto in tallaabo walba oo ay xukuumadda qaado lagu tilmaamo sharci darro, dood sharcina halkaas ay ka furmi karto, loona baahan yahay in dhinacyada siyaasadda iyo maxkamadda sare ay tilmaaman arrintan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker