Wariye ilig oo Maanta La Horkeenay Maxkamada

Waxaa saaka Markii u horraysay Maxkamad Madani ah la horkeenay Guddoomiyaha MM-TV Maxamed Abdi (Ilig) kadib 24 Maalmood oo uu qaab sharci darro ah xabsi loogu hayay.
Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa ogolaaday in 7 Maalmood oo dheeraad ah xabsiga lagu hayo Maxamed si loo baadho kiiskiisa.

Maxamed Ilig, muddo xad-dhaaf ah (24 maalmood) ayaa xabsi aan sharci ahayn lagu hayay, sidoo kale waxaa lagula kacay Tacadiyo ciil-qabnimo ka muuqato oo isugu jira hantidiisa oo laga Burburiyay, jidh-dil loo gaystay isla markaana loo diiday inuu dhakhtar arko sidoo kalena waxaa la geeyay Maxkamad Militeri oo aanuu mudnayn.

Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay in eedda Guddomiyaha MM-TV loo haystaa ay ku saabsan tahay in uu qabtay Dood ku saabsan Isfahamka badda ee Somaliland iyo Ethiopia sida ka muuqata xaashida eedda ee ay maxkamadda Militeriga ku geysay Hay’adda Sirdoonka ee Somaliland.

X-MM Tv .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker