Daawo Gurmadkii u horreeyey ee la gaadhsiiyo Deegaannada ay waxyeelladu ka soo gaadhay Duufaantii ku dhufatay Xeebaha Galbeed ee dalka

Lughaya (OWN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa deeqdii ugu horraysay ee gargaar ah oo xukuumaddu bixisay  gaadhsiiyey degmada Lughaya oo kamid ah goobaha ay sida weyn u wax yeelleeyeen roobabkii duufaannada watay ee ku dhuftay ee dhawaan  gobollada Awdal, Salel iyo Saaxil.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinayo guddoomiyaha hay’adda  qaxtoontiga iyo Barakayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif), ayaa diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo ay inagu caawisay dawladda Imaaraadka Carabta, deeq gargaar ah ugu geeyey shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee ay roobabku waxyeellada gaadhsiiyeen.

Gargaarkan oo isugu jira daawooyin, Raashin, Dhar, Timir, Biyo waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah, ayey madaxweyne ku xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayaa gaadhsiiyeen shacabka degmada Lughaya, kuwaas oo si weyn ugu farxay deeqda gargaarka ah ee ay xukuumaddoodu soo gaadhsiisay.

https://youtu.be/iipfSSztdas

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker