Dhegayso: Amniga masaajidada ku yaalla Dalka Mareykanka oo si wayn Loo adkeeyey

Masaajidada ku yaalla dalka Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjiriinta ah ee Islaamka neceb, kadib markii toddobaadkan masjid ku yaalla gobolka Connecticut dab la qabadsiiyay.

Masaajidada qaarkood ayaa sheegay in hanjabaado loo soo diray. Laakiin, ilaalada gaarka ah ee masaajidada iyo hay’addaha amniga maxaliga ah ayaa iska kaashanaya sugida amniga xilliyada habeenkii ee lagu tukanayo taraawiixda.

Dhinaca kale, maamulka masjidka Al-Salaam oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo dad taageersan ayaa ku hor dibad baxay hay’adda maamusha goobaha lagu nasto ee magaalada Minneapolis, kadib maamulka beeraha lagu nastaa uu masjidka u diiday dhul banaan oo maamulka masjidku doonayey inay noqoto meel dadka salaadda u imanayaa ay baabuurta dhigtaan.

Waxaa dibadbaxa qeyb ka ahaa Jeylani Xuseen, oo ah madaxa laanta gobolka Minnesota ee ha’yadda CAIR oo ah hay’ad u doodda xuquuqda dadka Muslimiinta ah.

Cabduqaadir Maxamed Mursal iyo Cabdixakkim Maxamuud Shirwac ayaa noo haya warbixino arrintaas la xiriira.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker