Waa Maxay Fariinta uu Swan U siday Madaxwayne Biixi ee Itoobiya Sheegtay

Dawlada Itoobiya ayaa Sheegtay In Ergayga Gaarka Ah Ee Qaramada  Midoobay  U Qaabilsan Somalida  Uu Madaxweyne Biixi Soo Gaadhsiiyay Farriin Gaar Ah.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in wakiilka  gaarka ah ee Qaramada Midoobey Danjire James Swan uu farriin gaar ah
gaadhsiiyey Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi. Wasaaradda ayaa warkan ku sheegtay warbixinta toddobaadlaha ah ee  Loo yaqaano  (Week
In the Horn)’

 

oo ay Wasaaradu soo saarto jimce kasta, waxaanay sheegtay in  James Swan, oo 10-kii bishan Jeenaweri Booqasho ku tegay Somaliland uu  Madaxweynaha u sheegay farriin sheegaysa in Qaramada midoobey ay  Taageerayso Hindise ujeedadiisu tahay; in kalsooni laba geesood ah laga dhex  Abuuro Somaliland iyo Soomaaliya. Isla markaana la dhiirrigeliyo wada
hadalladii u dhexeeyey labada dhinac.

 

Warbixin ay wasaaraddu kaga warramaysay xaaladihii u dambeeyey Eegobalka Geeska Afrika, ayay ku sheegtay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uu sida oo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  gaadhsiiyey, in Qaramada Midoobay ay soo dhoweynayso hindiseyaashaas   Lagu dhisayo kalsoonida labada dhinac iyo wada hadallo ay bilaabaan  Hargeysa iyo Muqdisho.

 

 

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey ayaa Warsaxafaadeed uu soo  saaray intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay isla  Arrintan, laakiin Tafaasiil kama uu bixin Hindisaha wadahadallada cidda wadata iyo waqti cayiman oo la fili karo in ay bilowdaan.

 

sida oo kale Ma’ uu sheegin in  Qaramada midoobey ay iyadu wadahadallada dambe maamuli doonto.Dhinaca kalana warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu  sheegay lixdii nin ee ay xukuumadda Somaliland ku fulisay xukunka dilka ah toddobaadkan in ay ku jireen  laba xubnood oo lagu helay dembiyo la xidhiidha  Argagaxiso.

 

laguna eedeeyey in ay xubno ka ahaayeen ururka Alshabaab.
Laakiin may sheegin magacyada labada nin iyo kiisaska tooska ah ee lagu
eedeeyey.

 

15-kii bishan Jeenaweri ayaa ay xukuumadda Somaliland xukun dil qisaas ahku fulisay lixda marxuum.  War ay xeerilaalinta guud ee Somaliland isla maalintaas ka soo saartay dilka  xukunsaneyaashaas, ayaa ay ku sheegtay magacyadooda iyo magacyadalixda qof ee ay maxkamaddu ku heshay in ay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker