Waa maxay Saamaynta isbaddelka Sudan uu ku yeelan karo Soomaaliya

Khartoum (OWN)  Bilihii lasoo dhaafay waxaa dalka Sudan ka taagnaa dibadbaxyo ka dhashay sicir barar iyo dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay, kuwaas oo dhaliyay qalalaaso siyaasadeed iyo in ay hakad galaan adeegyadii dadweynaha sida waxbarashada, waxaana wali caddayn waxa ay ku dambayn doonto siyaasadda Sudan.

Sudan iyo Soomaaliya ayaa ah labo dal oo leh xidhiidh soo jireen ah oo aadna isugu dhowaa muddo ka badan afartan sano.

Labada dal ayaa leh xiriir siyaasadeed oo qoto dheer, Sudan ayaana Soomaaliya ka caawisa dhanka siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

Dadka u dhuun daloola arrimaha Sudan ayaa sheegaya in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay labada dal siyaasad ahaan aad isugu soo dhawaadeen.

Dalka Sudan ayaa Soomaaliya ka cawinayey lacago la doonayey in lasoo daabaco, inkastoo hannaanka lacagtaas aan la dhammaystirin.

Sudan ayaa Soomaaliya u tabobarta ciidamo kala duwan oo qayb ka ah sugidda ammaanka Soomaaliya, ciidamadaas oo isugu jira booliis, nabadsugid iyo militari intaba.

Qaar kamid ah ciidamadaas ayaa ka hawlgala Soomaaliya, halka qaar kalena ay wali wax ka bartaan dalka Sudan.

Dalka Sudan ayaa burburkii Soomaaliya kadib waxa uu gacan wayn u fidiyey ardayda Soomaalida oo qaar badan oo ardaydaas kamid ah ay ka heleen deeqo waxbarasho.

Madaxweyne Al bashir ayaa dalka Sudan soo xukumayey tan iyo 1989Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMadaxweyne Al bashir ayaa dalka Sudan soo xukumayey tan iyo 1989

Arday lagu qiyaaso 6,000 oo qof ayaa wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalka Sudan ayagoo qaarkood ay joogaan gobollada dalkaas halka qaar kalena ay ku sugan yihiin magaalada Khartoum.

Dibadbaxyada ka socda dalka Sudan ayaa saamayn ku yeeshay waxbarashada, waxaana haatan xiran inta badan jaamacadaha dalkaas marka laga reebo hal jaamacad oo ay u badan yihiin ardayda ajaanibta ah oo lagu magacaabo International University of Africa.

Kumanaanka ardayda ah ee Soomaalida ah ee wax ka barta dalkaas ayaa waxaa caqabad ku noqday xirnaansha jaamacadaha.

Dhanka kale qoysas Soomaali ah oo lagu qiyaaso ilaa 300 oo qoys ayaa ku dhaqan dalka Sudan, kuwaas oo badankoodu kasoo guuray dalal kale oo carbeed oo burburay sida Suuriya iyo Liibiya si caruurtoodu ay halkaas wax uga bartaan.

“Soomaaliya waa dal hadda Soo koraya oo kasoo kabanaya dagaalladii iyo burburkii dawladnimadii, wixii ka dambeeyey 1991 dawladda Soomaaliya waxay u baahnayd in la garab istaago, runtii xogo muhiim ah ayay kala qaadan jireen labada dal” ayuu yidhi Cabdicasiis Nuur caabbi oo shahaadada PHD-da ee culuumta siyaasadda ka diyaariya jaamacad ku taal dalka Sudan oo aan wax ka waydiinnay xidhiidhka labada dal.

Cabdicasiis ayaa intaas raaciyey in Soomaaliya iyo Sudan ay siyaasad ahaan aad isugu dhaw yihiin ayna kuwada jiraan ururro badan “labada dalba waxay kuwada jiraan ururro caalami ah sida Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD taas oo marar badan ay dhici karto in ay isaga baahdaan codad iyo taageero”.

Dad badan ayaa walaac ka qaba in haddii qalalaasaha ka taagan dalka sudan uu sii socda uu saamayn toos ah iyo mid dadbanba uu ku yeelan doono dadka Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan ugu sugan dalkaas.

Cabdicasiis Nuur Caabbi oo wax ka qora arrimaha dalka SudanLahaanshaha sawirkaCABDICASIIS
Image captionCabdicasiis Nuur Caabbi oo wax ka qora arrimaha dalka Sudan

“Mar haddii ay meel wax ka dhacaan waxay saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelan kartaa dadkii dalka u dhashay iyo dadkii martida ku ahaa intaba, tusaale ahaan ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta dalka sudan waxaa hakad ka galay jaamacadihii ay wax ka barayeen marka laga reebo hal jaamacad”. ayuu yidhi Cabdicasiis Nuur oo aad ugu dhuun daloola arrimaha dalka Sudan.

Si kastaba ha ahaatee qalaalasaha Sudan ayaa saamaynta ugu wayn ku yeelan kara ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkaas.

Dhanka kale marka laga yimaado walaaca ay dad badan ka qabaan waxyeellada soo gaari karta dadka ajaanibta ah ee Soomaalidu ay ku jirto ee ku dhaqan dalka Sudan haddii uu sii socdo qalalaasaha haatan taagan, ayaa haddana dad badan waxay aaminsan yihiin in xaaladdu ay sideedii kusoo noqon doonto xataa haddii uu afgambi ka dhaco dalkaas.

“Runtii Sudan waa dal fac wayn, 1956-dii ayay qaadatay madax bannaanideeda, madax badan ayaana isaga dambeeyey talada dalkaas, waxaana dalkaas ka dhacay dhowr afgambi oo kala duwan, inqilaabka dalka Sudan waxaa la oran karaa dhaqan ayuu ka noqday muddo dheer ayuuna soo jiray, lama oran karo kanna waa mid ka baddalan”.

Sudan ayaa leh ciidan adag, taas oo dad badan ay sabab uga dhigayaan in Sudan aanay Sahal ku burburayn, hase ahaatee haddayba ay dhacdo waxay taasi saamayn wayn ku yeelanaysaa dadka ku dhaqan Sudan oo ay Soomaalidu kujirto.

“Sudan u malayn mayo in ay si sahal ah ku burburayso, waa dawlad ciidan adag leh, sida maanta muuqatana majirin wax khasaaro ah, mana rajaynayo intaasi ay dhacayso “. ayuu yidhi Cabdicasiis Nuur Caabbi.

Si kastaba ha haatee dalka Sudan ayaan la ogayn halka uu siyaasad ahaan foodda saari doono ayadoo haatan la xaqiijiyey in madaxweynihii dalkaas Cumar Xasan Al Bashiir xilkii laga tuuray isla mar kaasna la xidhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker