Ururka Midowga Afrika Oo Ku Dhawaaqday inay joojiyeen Xubinnimadda dalka Suudaan

Ururka Midowga Afrika ee AU ayaa ku dhawaaqday inay joojiyeen Xubinnimadda dalka Suudaan  Kadib, markii ay Milliteriga dalkaasi toogasho ku dileen Tobanaan Dibadbaxayaal ah.

 

Qoraal la soo dhigay Barta Twitterka ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in la joojiyey inay Suudaan qeyb ka noqoto Hawlaha Midowga Afrika, ilaa laga dhisayo Dowlad Rayid oo ah qaabka keliya ee Suudaan kaga bixi karto Xiisadaha ka taagan dalkaasi.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay, kadib, markii ay Madaxda Midowga Afrika kulan degdeg ah ku yeesheen magaalladda Addis Abeaba.

 

Qalaalaasha ka aloosan dalka Suudaan waxa u sababay in la dilo ugu yaraan 108 qof, lana dhawaaco in ka badan 500 oo qof.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker