Degdeg: Qayla dhaan ka yimi jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka
Dubai(OWN)- Waxa qaylo dhaan culus ka soo yeedhaya jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ku dhaqan waxay khatar u yihiin inay qaxooti ugu yimaaddaan Somalialand.
Ma hadli karaan , clip ma duubi karaan oo meesha aad baa laysu ilaalayaa.
Waad ogtihiin baasaboorkii Somalia ee ay haysteen in hawada laga saaray. Baasaboor Somaliland ahna lama samayn oo Imaaraadku waxay yidhaahdeen e-passport ma aha.
Dadkii joogitaankoodu waxay ku xidhanatahay iqaamadaha ama deganaanshaha haddii ay ka dhacdoย qoladii ay u shaqaynayeen ayaa is odhanayaย soo jadiidiyaย immigration imaaraadkuna waa ku soo celiyeen markaas kiiย deganaanshuhu ka dhaco shaqadii ayaa laga joojiyey ganaax maaalmeed ahna wuu ku socdaa dalka waa inay ka baxaan.ย Dadka Imaaraadkuna waa isku raran is kafiisha haddii aabihii iqaamaddu kadhacdo reerkoo dhan waa ka dhacaysaa. Arrintu waa khatar
Waad ogtihihiin jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ku dhaqan ahmiyadda ay leeyihiin , halgankii ha noqoto , dhismaha waddanka ha noqoto, xittaa dadka Europe iyo America jooga iyagaa lug weyn kuย lahaa ambabixintooda.
Waxay leeyihiin aad ayaanu ugu farxanay markii cilaaqaadka Imaaraadka iyo Somaliland hagaagay madaxweynuhun noo balan qaaday in baasabooro nala siinayo, waxaannu kale oo rajo ka qabnay in shaqaalaynta aanu kaalin hore ka gelayno Imaaraadku si khaas ah noola macaamilayo. Waxay leeyihiin waxaan ka soo baxnay oo la dabaalannay dhibaatooyin badan iyadoo aanan dawlad noo adeegta lahayn ayaa Imaaraadku naga jeeday halka dad badan oo Carabย ahย ay siyaasadi saamaysay , waxay u ugtahay inaanu la midnoqonay.
Waxaa na hasyta cid aanu wax weyddiino iyo meel safaaradi tahay war uma haynno. Waxaa laย laeeyahay baasaboorbaa la soo wada lakiin dad badan ayaa seeftu ku dhacday oo Imaaraadka ka baxaya.
Markaanu weydiino Immigrationka waxay na leeyihiin waanu ognahay cilaaqadda cusub ee Soomaaliland , laakiin weli waxa amar ma hayno. Waxaa nagu filan warqad ay safaaraddinu soo qorto aya leeyihiin Immigration ka Imaaraadkuย . Warqaddaas qudha iyo dadka oo la diiwaan geliyo ayaa arrintaas culayskaas lehi uu cadilantahay oo dadku u shaqo waayayaan.
Waxay leeyihiin noogu qayliya dawladda Somaliland,ย 40,000 oo reer Somaliland ayaa khatar ku siman. Ma aha xidhiidhka Imaaraadku iyo heshiiska dekedda Bebrbera inay dhibaato nooย keento. Somaliland uma baahna maanta inay jaaliyaddii debedda ugu muhiimsanayd qaxooti ugu timaaddo, caajis iyo mas’uuliyad darro ka dhalatay wasaaradda khaarijigi iyo safaaradda Somaliland ee Imaaraadkaย iyo xukuumadda Somailand guud ahaan.
Walaalayaalย warku waa kaas anigu xog ogaal ayaaan ahay Imaaraadka in badan baan ku noolaa walaalahay ayaa ku noolย ย , inamada jaaliyaaduna waa ila soo hadleen . Idinkuba waad waraysan kartaa dadka Imaaraadka jooga.
Walaalaya u soo bandhiga fadlaan sidii war iyo xogo aad hesheen oo kale si dadkeena aan dhibaatadu ugu sii badan.
Haddaad u baahantaanย waxย tafaasiil ah tilifoonka igala soo hadla .
Maxamuud Ismaaciil Barreh
Birmingham UK
+44ย 7939749600.