Dad Masaakiin ah oo Deeq Lacageed La Gudoonsiiyay Gabiley

Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo katirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,ayaa deeq lacageed oo lagu taakuleynayo dad danyar ah oo Jilicsan islamarkaana, katirsan Shacbiga Gabiley gudoonsiiyay Maanta kadib markii uu soo wakiishey Ganacsade aan magaciisa Xusin.

Deeqdan oo la Gudoonsiiyay,dad Curyaamiin ah iyo Qoyasas badan oo danyar ah oo Dhibaato Caafimaad iyo mid duruufeedi haysato,waxa hadal kooban oo Deeqdaa lacageed ku sahabsan ah ka jeediyay Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi isagoo ka hadlaya Waxa uu yidhi.

“Sahal iyo Walaalihii maanta ilaahey laxaad uma Waayin haseyeesee,waxa lagu eegayaa waa dadkeenaa Caafimaad Qaba ee Laxaadkoodii Qaba,mar hadey maanta tahey Bishii barakeysneyd,ee Kheyrka badneyd,ee Ramadaan waxaan usoo Jeedinayaa Bulshada Reer Gabiley iyo Shacabka Islaamka in aad sadaqada la baxdaan oo waxaad awoodi kareysaan ku soo caawisaan Qoyskan laxaadka la,a ee Sahal u Weyn yahey oo ka kooban Afar Qof”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu ka Hadley Qoysas badan oo dhibaato Caafimaad haysato,kuwaas oo dhamaantood degan Gudaha Magaalada Gabiley islamarkaana, uu Gaadhsiiyay deeqdan lacageed ee Loo soo Wakiishey,isagoo Bulshadana ugu baaqey in ay iyaguna geestooda dadkan masaakiinta ah ee Xaalad caafimaad iyo Mid duruufeedba saameysay intooda badan ay gacan u fidiyaan.

Dadka masuuliyadda dadkaa masaakiinta ah haya qaarkood ayaa iyaguna Geestooda ka mahad Celiyay deeqadan uu Soo gaadhsiiyay Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo katirsan Xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

Ma aha markii u horeysay ee Xildhibaanku deeq noocan oo kale,ah soo gaadhsiiyo dadka Masaakiinta ah ee Kunool Gudaha Magaalada Gabiley haseyeeshee,sida uu Sheegay Sahal oo masuul u ah Walaalihii oo Curyaan ah oo ka kooban afar Qof waxa deeqdan u keenaa Sanad kasta Bisha Barakeysan ee Ramadaan .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker