Dhaqtar Loo Xidhay Dilkii Madaxweynihii Hore Jovenel Moïse Ee Dalka Haiti
Booliska Dalka Haiti ayaa sheegay inay xidheen dhaqtar ay rumeysan yihiin inuu yahay eedeysane muhiim ah oo la tilmaamay in uu ka dambeeyay abaabulka dilkii todobaadkii hore loo geystay Madaxweyne Jovenel Moïse.
Boliiska ayaa sheegeen in Christian Emmanuel Sanon, oo ah 63 jir u dhashay Haiti, uu ku soo galay dalka diyaarad Jet ah horraantii Juun isagoo leh ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah.
Dakhtarka la xidhay ayaa la sheegay in uu ahaa nin dhaliila siyaasadda madaxda dowladda Haiti,waxaana uu deganaa oo uu xarun ku lahaa magaalada Florida ee dalka Mareykanka.
Madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse oo ahaa 53 jir ayaa lagu dilay gurigiisa 7dii July, waxaana dilkiisa ka dambeeyay 28 qof oo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah, sida ay ku warameen ciidamada Boliiska.
Xaaska madaxweynhihii hore ee Haiti ayaa ku dhaawacantay falkaasi lagu khaarajiyay Jovenel Moïse,waxaana daaweyn loola cararay dalka Mareykanka.
https://www.youtube.com/watch?v=44nOxhBMQSA