Nin Somali Ah Oo Noqday Maayarka Magaalada Sheffield Ee UK

Muwaadin Somali ah oo horey usoo noqday qaxooti ayaa loo magacaabay Maayorka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska.

 

Magid Magid, ayaa noqonaya qofkii Somali ah ee u horeeyay ee magaaladaas Mayor ama duq magaalo ka noqda waana 28 jir waxana uu noqonayaa Mayorkii ugu yaraa ee magaaladaasi.

 

Isagoo 5 sano jir ah ayuu yimaaday magaalada Sheeld kadib 6 bilood  isaga, walaalihii iyo Hooyadii ay kujireen xero qaxooti oo Itoobiya kutaala kadib markii ay Somalia kasoo tageen si ay u helaan nolol.

 

 

Tan iyo magacaabistiisii waxa uu sheegay inuu rajeynayo inuu isbedel wanaagsan uu sameeyo, Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay dadkii doorka weyn ka qaatay isasoo sharixidiisa isla markaana soo garab istaagay.

 

Dhallinyaro Somalida  oo dalka ka cararay mudadii burburka ayaa xilal muhiim ah ka qabtay dalalkii ay xilligaas magangelyada ka heleen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker