Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Isugu Yeeshay Masuulyiinta Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xalayoo ay bishu aheyd 16 May 2018 iskugu yeedhay shir-weyne ka kooban Madaxda maanta talada haysa iyo madaxdii hore dalka ka soo talin jirtay, Saddexda Xisbi Qaran, Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka JSL iyo Talo-qabeenka dalka, oo ay ka mid ahaayeen:

Image may contain: 17 people, people smiling, people standing, wedding and indoor

 

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

1.Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

2.Madaxweynihii hore ee JSL, mudane Daahir Rayaale Kaahin

3.Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed

4.Guddoomiyaha golaha guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan

5.Guddoomiye Ku-xigeen kowaad ee golaha wakiilada, mudane Axmed/yaasiin Sh. Cali Ayaanle

6.Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane, Xasan Ciise Jaamac

7.Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax

8.Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin

9.Prof. Cali Khaliif Galaydh

10.Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe

11.Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE, mudane, Axmed Cabdi Dheere

12.Guddoomiyaha ku meelgaadhka ahna ku simaha gudoomiyaha xisbiga Mudane Cabdiqaadir Xuseen Jirde

13.Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga waddani, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed

14.Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire

15.Siyaasi Maxamed Carraale Duur

16.Mudane Maxamed Cabdillahi Uurcade

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and wedding

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Ujeedada kulankuna waxa uu ahaa in Qaran ahaan laga arrinsado xaaladda dalka ka taagan iyo in talo-qaran oo midaysan laga yeesho dhammaan duruufaha dalka maanta ku gadaaman. Waxaana shirkaasi ka soo baxay oo la isla qaatay lixdan qodob:

Image may contain: 5 people, people sitting and table

1. In colaada deegaanka Ceel-afweyn loo soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana Qaranka oo dhan ka gurmado arrintaa si wada jir ah.

2.In xannafta iyo kala fogaanshaha siyaasiga ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay la iska bogsiiyaan Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranku.

3.In colaada iyo dagaaladda ay ka huriyeen deegaanka Tukaraq Maamulka Puntland iyo Dawladda Soomaaliya meel looga soo wada jeesto, oo si heer Qaran ah loo waajaho dawlad shicib iyo axsaab qaran ba.

4.In kor loo qaado xawliga dhaqan-gelinta mashaariicda horumarineed ee loogu talo galay deegaannada gobollada barriga.

5.In beesha Caalamku ogaato in gar-darro qaawan iyo dagaalba ay dawladda Soomaaliya ka bilowday, kana hurisay deegaanno hoos yimaada Tukaraq oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

6.In beesha Caalamku ogaato in Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kasta u taagan tahay nabad iyo daris wanaag ka hirgala guud ahaan gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse lagu war-gelinayo in Jamhuuriyadda Somaliland iyo shicibkeeduba diyaar u yihiin in ay iska difaacaan gar-daro iyo dagaal kasta oo lagu soo faro-galiyo xuduudaha lama-taab-taanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhaxashay Isticmaarkii Boqortooyadda Ingiriiska, Axdi Qarameedka Midowga Afrikana waajibinayo.

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 1 person, smiling, standing

Image may contain: 3 people, people standing and indoor

Waxaanu kulankaasi ku soo gebegaboobay jawi wanaagsan iyo isfahan qarannimo oo ku tiirsan wada jirka danaha qaranka Somaliland iyo danta shacabkiisa in gacanta la isu qabsado iyadoo loo dhan yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker