Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq , Fariin Adagna U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweynaha Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas oo dib ugu laabtay Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladaasi.

Gaas oo ka tagay Magaalada Baydhabo halkaaai oo uu kaga qayb galay shirkii Golaha iskaashiga Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa markii uu tagay Magaalada Garowe wuxuu ka hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq.

Madaxweynaha Puntland oo ay ka muuqato caro fara badan ayaa sheegay dagaalka deegaanka Tukaraq inuu sii socon doono inta Puntland ay ka xoreynayso deeganada ka maqan sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas wuxuu daboolka ka qaaday in marnaba uusan istaagi doonin dagaalka inta deegaanada Sool ee gacanta Puntland ka maqan yihiin.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay dagaalo kala duwan ku dhexmareen labada dhinac.

Odayaasha dhaqanka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay ku baaqeen in la joojiyo colaada ka soo cusboonatay deeganka Tukaraq ee Gobolka Sool.
 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker