Kumanaan Boolis oo la dhigay Nairobi, xilli laga digay Weeraro ay Alshabaab ka geystaan dalkaasi.

Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay hayaan Warar dhinaca Sirdoonka oo muujinaya inay Xarakaadda Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya, inta lagu guda-jiro  bishan barakaysan ee Ramaadaan.

Afhayeenka Boliska dalkaasi, Charles Owino oo la hadlay Idaacadda Capital FM News  ee magaalladda Nairobi inay kordhiyeen Tirada Boliska ee la dhigayo goobaha Dadweynaha, si loo hubiyo Ammaanka dadka Kenyaan-ka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Boliska dalkaasi, Charles Owino waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dagaalamayaasha Alsshabaab weli Khatar weyn ku yihiin Ammaanka Kenya iyo dalalka Mandiqadda,  waa sida uu hadalka u dhigay,

Sidoo kale,  Xiriiriye Gobaleedka Nairobi, KANGETHE THUKULLAA ayaa sheegay inay in ka badan 2,000 Askari ka hawl-galaan Caasimadda dalkaasi ee Nairobi, kuwaasi oo ilaalin doona Ammaanka Waddooyinka, Hoteelada, Dhismayaasha Ganacsiga, goobaha ay Basaska joogsadaan iyo Xarumaha Waxbarashadda.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in la xiri doono dadka shisheeyaha ee aan wadanin Dukumentiyadda Qaxootinimadda iyo dadka waa weyn oo aan wadanin Aqoonsiga Kenyanka (ID Card) ama Kabanda.

Dhinaca kale, Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ay ku leeyihiin dalka Kenya waxay ka digtay inay weeraro ka dhacaan magaalladda Nairobi, gaar ahaan Bosteejooyinka laga raaco Basaska Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee,  Digniinta Hay’addaha Ammaanka Kenya iyo Safaaradda Mraayknaka waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishan 7-dii ku dileen 9 Askari oo Kenyan ah meel ku dhow Degmadda Dhoobley oo u dhow Xuduudka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker