Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya
Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska raβiisul wasaraaha Soomaaliya.
Qoraalka oo lasoo dhigay bogga facebook ayaa lagu yiri βGolaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.β
Jeneraal Ibraahim ayaa beddelaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo xilka soo hayey muddo afar sano ah, isaga oo la magacaabay 2019-kii.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Guutada 60-aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.
Isbeddelka cusub ayaa imanaya ayada oo dowladda ay toddobaadyadii tegay sheegtay inay billaabeyso wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba-yaaqadii sanadkii tegay kooxda looga saaray deegaano badan ayaa hakad ku jira muddo bilo ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa iyana kurdhisay weerarada ka dhanka ah saldhigyada ciidamada dowladda, kuwa ATMIS iyo goobaha shacabka.