Haweenay ku geeriyootay magaalada Hargeysa kadib markii ay ku dhacday Suuli ama Musqul
Haweenay 70 jir ah ayaa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib markii ay ku dhacday Suuli ama Musqul ku Yaalla magaalada Hargeysa.
Ciidanka dab-demiska Somaliland oo iyagu Suuliga kasoo saaray iyadoo nool ayaa ka warbixiyay siduu u dhacay hawl-galkaasi, waxaana Taliyaha ciidanka dab-damiska Somalilan uu sheegay in afartii bilood ee ugu dambeeyay ay suulli ku dhaceen ku dhawaad 10 ruux oo intooda badan la badbaadiyay.