Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland iyo Wasiirro Booqday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka oo ay la hadleen iyo Jewiga Goobihii shalay lagu dagaalamay + Tiknikada laga qabsaday Puntland
Laascaanood (OWN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ay wehelinayaan wefti isugu jira wasiirrada Gaashana-dhigga, Horumarinta Biyaha, iyo xildhibaanno, ayaa maanta booqday fadhiisimada ciidamada Qaranka ee deegaanka Tukaraq oo shalay dagaallo ku dhexmareen Ciidamada Qaranka iyo ciidanka Maamul-goboleedka Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirka Gaashaan-dhigga iyo Wasiirka Horumarinta Biyaha oo halkaas ka hadlay, ayaa luuqad adag kula hadlay maamul-goboleedka Puntland.