Madaxweynaha Tanzania Oo La Garan Layahay Halkuu Ku Sugan yahay

In ka badan muddo labo toddobaad ah ayaa laga joogaa tan iyo markii uu fagaare kasoo muuqday madaxweynaha Tanzania John Magufuli.

“Wuxuu si joogta ah u aadi jiray kaniisadda, wuxuu kasoo muuqan jiray teleefishinka iyo xitaa baraha bulshada” ayuu yidhi Athuman Mtulya .

“Tan iyo 27-dii bishii Febraayo lama arkin madaxweynaha”

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in madaxweynaha xaaladdiisa caafimaad ay halis ku jirto kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.

Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli ay soo baxaan warar laisla dhexmarayo oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha iyo halka uu ku sugan yahay.

Balse saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in madaxweynaha xaaladdiisa caafimaad ay waanagsan tahay isla markaana wararka laisla dhexmarayo ay been abuur yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker