Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Sheekh

Alle ha u naxariistee, Saddex qof ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo aad u argagax badan oo shalay Galabtii ka dhacay duleedka Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Shilkan oo ka dhacay deegaanka Dubur ee Degmadda Sheekh ee Gobol Saaxil ayaa waxa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee saddex rag ah oo mid ka mid ah uu dhalay Musharax Axmed Cabaade Wayd oo ka mid ah musharaxiinta degmada Berbera tartanka u galay ee natiijadiisa la sugayo.

Shilkan ayaa, sida la sheegay, dhacay kadib markii uu la dhacay baabuurku dirawalkii wada, islamarkaana uu wada kala baxay, kaasi oo markii dambe dhawr jeer is rogay, islamarkaana sababay inay dadkii saarnaa ay kuwad geeriyoodaan.

Magacyada saddexda qof ee Ku geeriyooday oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa kala ah.

1 – Deeq Cabdi Muuse

2 – Ibraahim Saleeban Cabaade

3 – Maxamed Axmed Cabaade

Allaah ha unaxariisto dhamaantood raggan ku geeriyooday waxay ku socdeen oo safarkoodu ku ekaa Degmada Berbera .

Sadex cisho ka hor shilkan oo kale ayaa ka dhacay duleedka Berbera waxaana ku geeriyooday 5 qof oo sida la sheegay maydkoodu wali kujiro Talaagadda Meydka ee cusbitaalka Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker