Dagaal Xoogan Oo Markale Deegaanka TUKORAQ Ku Dhex-maray Ciidamadda Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland

Wararka ka imaanaya deegaanka Tuka-raq ee ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidammada qarabka Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntland

Taliyaha milatariga Somaliand Nuux ismaaciil Taani, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dagaalku uu socdo wuxuuna sheegay in ciidammada Puntland ay duulaan kaga soo qaadeen labo aag.

Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo BBC-da la hadlay ayaa isna sheegay in ciidammada la soo gardaraystay balse ay iska caabiyeen walina uu dagaalku socdo.

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland Isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker