Koox islaamiyiin ah oo weerar ku dishay tiro badan oo dad ah

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay falkii shalay dagaalyahanada Jihaad doonka ah ay ku dileen tobonaan qof oo rayid ah waqooyiga Burkina Faso.

Warark ayaa sheegaya in tiro badan oo dagaalyahano ah oo ka tirsan kooxda loo yaqaan JNIM, ay weerar ku qaadeen xero ciidan, guryo iyo xeryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Jibo ayna ku dileen ilaa 40 qof oo rayid ah.

Mar sii horeysay, ciidamada ayaa xaqiijiyay in boqolaal rag ah oo hubeysan ay isku dayeen inay gudaha u galaan saldhiga ciidamada ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Burkina Faso ayaa dagaal kula jirta fallaagada jihaad doonka ah ee kaga soo faaftay dalka ay deriska yihiin ee Mali sanadkii 2015-kii

Dalka waxaa maamula dowlad ku meel gaar ah oo la soo dhisay ka dib afgambi militari sanadkii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker