Shirkadaha isgaadhsiinta somaliland Oo Khadkii Telefoonada ka jaray Ceelafweyn Iyo Darar Weyne
Shirkadaha isgaadhsiinta somaliland ka jira ayaa waxaa la sheegayaa inay maanta khadkii telefoonada ka jareen laba magaalo oo ka tirsan gobalka Sanaag.
Magaalooyinka Ceel Afweyn iyo Darar Weyne oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa aan jirin cid ka hadashay sababta cad ee looga jaray labadaas magaalo iyo deeganada ku dhaw dhaw ay xukuumadu uga jartey isgaadhsiinta .
Balse dad ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegay in ujeedka isgaadhsiinta looga jaray deeganadaas ay tahay arimo amni ka dib markii ay halkaasi dagaalo ka dhaceen deegaanka Ceelafweyn.
Oodweynenews Ceerigaabo