Madaxweynaha Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Hambalyeeyey Munaasibadda 18-Ka May Sidoo Kalena Farriin U Diray Maamulka Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaanba shacabweynaha reer Somaliland ku hambalyeeyey  sanad-guurada 27-aad ee  kasoo wareegtay dib-ula soo noqoshadii xorriyadda Somaliland oo ku beegnayd 18-kii bishii May sanadkii 1991-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa khudbad kooban oo dhinacyo kala duwan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Somaliland, waxaana uu ugu baaqay inay nabadda iyo horumarka ay gaadheen ku mitidaan, isaga oo sidoo kale farriin u diray dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu shacabka faah-faahin ka siiyey is-beddel kooban oo duruufi keentay oo lagu sameeyey dabbaal-degyada maalinta 18-ka May oo loosoo raray 15-ka Bishan oo maalinta berri ah ku beegan,“Maanta oo ah 15-ka bisha May oo aanu hore ugu soo marinay inaanu qabanno debbaal-deggii, sababta oo ah maalinta 18-ka May, waa Jimce, waana Ramadaan, sidaad darteed mar haddii kollayba ay Jimce tahay oo  la rari lahaa, waxaanu go’aaminnay inaanu debbaal-degga maanta ka dhigno ayaanu go’aaminnay. 18-kuna waa ciiddeedii oo waa halkeedii, fasaxeediina way ahaanaysaa, wixii duco iyo Allah bari ahna waynu qabsan doonnaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday horumarka ay Somaliland gaadhay mudda 27-ka sano ah ee ay jirtey, isaga shacabkana ku bogaadiyey guulaha ay gadh-wadeenka ka yihiin ee dalku ku tallaabsaday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhammaanba bulshada reer Somaliland, gudo iyo dibadba meel ay joogtoba waxan ku hambalyeynayaa 27-guurada kasoo wareegtay lasoo noqoshada xorriyadii Somaliland oo ku beegnayd 18-5-1991-kii, Burco-na lagaga dhawaaqay, Somaliland-na 27-sannadood bay jirtey,Ilaahay baa mahadle, way kortay, way xoogaysatay, way adkaatay, wayna muruqaysay dhinac walba, xagga bisaylka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashadaba in badan bay hano qaadday, wax badanina waa u qabyo, adduunyaduna waa tiro Sagaal ah oo ma Tobnawdo, mar walbana wax baa dhiman, Bani’aadamkuna waxa uu u nool yahay inuu qabyadaas uun gufeeyo oo kab-kabo, markaa innagu in badan baynu qabsannay, in badanina way inoo hadhay, insha Allah-na tacabkana weynu wadi doonnaa, dadkeena oo isjeclaada iyo barwaaqo aynu gaadhno ayaan Ilaahay ka rajaynayaa.”

Isaga oo si gaar ah ula hadlay shacabka reer Somaliland, waxa uu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, “Dhammaan shacabka reer Somaliland, waxan ugu baaqayaa inay dawladnimada ilaashadaan, dadka iyo dawladaha deriska ah kula noolaadaan nabad, caalamka oo dhan kula noolaadaan nabad iyo wanaag.”

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu farriin talo iyo tusaale xambaarsan u diray maamulka Muqdisho oo uu ugu baaqay inay xoogga saaraan sidii deris-wanaagga dawladnimo loo wada ilaashan lahaa, “Nimanka Soomaaliyeed ee aanu wax wada lahayn ee Muqdisho looga taliyona waxanu ugu baaqaynaa walaaltinimo, wada-noolaansho, is-qaddarin iyo is-xurmayn laba dawladood oo walaalo ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

           
 
 
 
                    Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker