Mucjiso: Laba Hablood oo Walaalo ah oo Isbaafinayay Muddo Nus Qarni ah oo Ishelay

Laba hablood oo walaalo ah oo ay – da’doodu tahay 98 iyo 101 – ayaa dib u midoobay markii ugu horraysay muddo 47 sanadood ah kaddib markii ay mid walba moodday inay tankale dhimatay intii uu jiray maamulkii argagaxa badnaa ee Khmer Rouge ee 1970-yadii.

 

Hasayeeshee Ben Sen, oo 98-jir ah, ayaa sidoo kale waxa ay sidoo kale la midowday walaalkeed oo 92-jir ah, kaas oo ay moodaysay inuu dhintay, hay’ad maxalli ah ayaa sidaas ku warrantay.

 

 

Haweenkan walaalaha ah ayaa waxaa isugu dambaysay 1973, laba sanadood ka hor markii shuuciyiintii uu hogaamin jiray Pol Potled ay la wareegeen awoodda dalka Cambodia.

 

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa loo malaynayaa in ay dhinteen intii uu maamulka dalkaas hayay xisbiga Khmer Rouge.

 

Qoysas badan ayaa kala lumay mudadaas, iyadoo waalidiinta laga qaadan jiray carruurtooda xilli maamulka uu doonayay inuu helo awood buuxdo oo uu dalka ku maamulo.

 

ayaa soo saaray sawir uu dunida ugu muujinayo sida Cambodiyiinta maamulkiisa ugu hanaqaadeen
Bun Sen ayaa sidoo kale la midowday walaalkeed oo 92-jir ah

 

Ben Sen ayaa ninkeedii waxaa la dilay xilligii maamulkii Pol Pot – kaas oo xilka laga tuuray 1979 – ugu dambaynna waxa ay degtay goobta caanka ah ee qashinka lagu qubo ee Stung Meanchey ee caasimadda Cambodia ee Phnom Penh.

 

Muddo dheer oo maalmihii ay nooleyd ah ayaa waxa ay ku soo qaadatay inay qashinka ku dhex lugayso iyadoo halkaas ka raadinaysa waxyaabo ay dib u iibiso, iyo inay xanaanayso carruurta ku nool xaafaddaas uu ka jiray saboolka baahsan.

 

Marwalba waxa ay ka sheekayn jirtay riyadeeda ah inay mar un soo booqato tuuladooda oo ku taal gobolka Kampong Cham, taas oo 90 mayl oo kaliya bariga ka xigta magaalada caasimadda ah ee Phnom Penh.

Hasayeeshee dhowr arrimood oo ay ka mid tahay da’deeda iyo awood darida ka haysata dhinaca lugta ayaa safarkaasi ka dhigay mid aad u adag.


Muxuu ahaa Khmer Rouge?

  • Xisbigii arxanka darnaa ee Khmer Rouge, ee talada hayay 1975-1979, ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad laba milyan oo qof

 

  • Maamulkan uu hogaamin jiray Pol Pot-led ayaa isku dayay inuu Cambodia ku celiyo xilliyadii dhexe ee laga soo godbay oo kale, isagoo ku qasbay malaayiin qof oo magaalooyinka ku nool inay ka shaqeeyaan beero ku yaal baadiyaha

 

  • Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sameysay maxkamad gaar ah oo lagu qaado dacwadaha hogaamiyayaashii ka haray maamulkii Khmer Rouge, taas oo bilaabatay 2009

 

  • Saddex hogaamiye oo hore oo Khmer Rouge oo kaliya ayaa ilaa hadda la xukumay – waa Kaing Guek Eav, oo maamuli jiray xabsiga Tuol Sleng ee dhibka badnaa, madaxii shaqaalaha ee maamulkaasi Khieu Samphan iyo ninkii labaad ee maamulkii hogaamiye Pol Pot Nuon Chea

 


Hay’adda maxalliga ah ee Sanduuqa Carruurta Cambodia – oo caawinaysay Bun Sen tan iyo 2004 – ayaa bilowday inay u qabanqaabiso booqasho ay tuuladeeda ku tagto.

 

Markaas ayey ahayed markii ay Bun Sen ay ogaatay in walaasheed iyo walaalkeed ay weli noolyihiin oo ay ku nool yihiin tuuladoodii.

 

Bun Sen ayaa waxa ay ku nooleed meel u dhaw goobta qashinka lagu qubo ee Stung Meanchey, halkaas oo lagu arkay 2008

Kaddib ku dhawaad nus qarni, Bun Sen ayaa waxa ay todobaadkii hore dib ula midowday walaasheed ka wayn Bun Chea iyo walaalkeed ka yar.

 

“Muddo hore ayaan tuuladayda ka tagay mar dambana kuma aanan soo laaban. Waxaan marwalba moodi jiray in walaalahay ay dhinteen,” Bun Sen ayaa tidhi.

 

“Inaan la kulmay oo la joogo oo aan gacanta qabto walaashey iga wayn wax wayn ayey ii tahay. Markii ugu horraysay ee uu walaalkey gacantayda qabtay waxaan bilaabay inaan oogo.”

 

Hablaha walaalaha ah ayaa markii ay kulmeen kaddib waxa ay dalxiis u tageen magaalada Phnom Penh

Bun Chea, bidix, iyo Bun Sen oo kor ka eeganaya webiga Tonle Sap ee Phnom Penh 

Bun Chea, oo ninkeeda sidoo kale uu dilay xisbigii Khmer Rouge, iyadoo haweenaydaasi garoobka ah bannaanka ay ugu soo dhaceen 12-keeda canug, waxa ay sheegtay in walaasheed ka yar ay rumaysnayd inay dhimatay.

 

“13 qaraabadeenna ah ayuu dilay Pol Pot marka waxaan moodnay in iyana la dilay. Muddo dheer ayaa laga joogaa waqtigaas,” ayey tidhi.

 

Haatan hablahan walaalaha ah ayaa waxa ay ka sheekaysanayaan mudadii ay isla’aayeen. Todobaadkan waxa ay dalxiis u tageen magaalada caasimadda ah.

 

“Waannu ka sheekaysan jirnay,” Bun Chea ayaa tidhi. “Hasayeeshee weligey ma filayn inaan dib u arki doono.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker