Ciidamada Somaliland iyo Puntland  Oo Saaka isku dhac kooban ku dhexmaray Deegaanka Tukaraq

Laascaanood (OWN)-  Ciidamada Somaliland iyo Puntland  ayaa saaka isku dhac kooban ku dhexmaray Howdka Gobolka Sool kaasi mudo kooban socday ayaa la ii sheegay in uu istaagay khasaaraha uu sababayna Waxaana la xaqiijiyey dhaawac jiro balse aan dhimasho la sheegin.

 

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada isku dhacay inay ahaayeen Sahan labada dhinac ah oo iska helay buuraha ka sareeya Tukaraq, Mana ahayn dagaal toos ah oo sii socday in kasta oo hubka laga maqlayey deegaano dhowr ah.

 

 

Xiisada Colaaded ee ka Aloosan Gobolka Sool ayaa sii kordhaysay maalihii la soo dhaafay Iyadoo ergayga gaarka ah ee Qaramada midobay u qaabilsan Soomaaliya uu safar xal raadin ah ku tagay Magaalooyinka Garowe iyo Hargaysa .

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker