Baadariga ugu weyn kiniisadda Katooligga oo ka hadlay muhaajiriintii shalay doontu la degtay

Hoggaamiyaha Kaniisadda Kaatooligga, Pope Francis, ayaa dhimashadan ku tilmaamay ” Tani waa boogta banaan ee dadnimadeena ” ka dib markii 41 qof ay ku naf waayeen dooni tahriibayaal ah oo ku degtay xeebaha Talyaaniga todobaadkii hore, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka hortagaan dhacdooyinka la mid ah.

Qudbadii uu jeediyay cibaadeysigii Axada ka dib ee Vatican-ka, ayuu Pope-ku yiri, “Maalmo ka hor, shil kale oo naxdin leh oo doon ah ayaa ka dhacay badda Mediterranean-ka: 41 qof ayaa ku dhintay. Waan u duceeyey,” ayuu yiri.

“Waa inaan u sheegnaa qaab xanuun iyo xishood ku dheehan: tan iyo bilowgii sanadkan ku dhawaad 2,000 oo rag, dumar iyo caruur ah ayaa ku dhintay baddan iyagoo isku dayaya inay gaaraan Yurub. Tani waa boogta banaan ee dadnimadeena.”

Isagoo ku baaqaya “dadaal siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed si loo bogsiiyo nabarkan iyadoo leh dareen wadajir iyo walaaltinimo,” Pope wuxuu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inuu taageersan yahay go’aanka kuwa ka shaqeynaya badbaadinta soogalootiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker