Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wareegto Ka Soo Saaray Qandaraasyada Dawladu Bixiso Iyo Habka Loo Marayo

Hargeysa(OWN)-xukuumadda Somaliland ayaa amar ka soo saartay qandaraasyada wixii ka badan $5,000 (shan kun oo doolar). Wareegto uu ku saxeexan yahay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wargeliyay dhammaan wasaaraddaha iyo sidoo kale hay’addaha madax-bannaan, taasi oo lagu amrayo inay guddida qandaraasyada u gudbiyaan hawlaha iibinta iyo soo iibinta baahiyaha kala duwan.

wareegtadan madaxweyne Muuse Biixi soo saaray ayaa u dhignayd sidan:-

“Wareegto Madaxweyne

Ujeedo: Qandaraasyada Dawladda

Mudaneyaal iyo marwooyin, sida aad la socotaan waxa guddida qandaraasyadu u xilsaaran tahay bixinta qandaraasyada ka baxaya miisaaniyada dhexe ee dawladda, dawlado kale innagu caawiyaan ama inna deymiyaanba, sida; dhismeyaasha,gaadiidka, qalabka xafiisyada, dayactirka gaadiidka, shidaalka, raashinka iyo baahiyaha kala duwan ee ciidamada (wixii aan sir ahayn).

Sidaa darteed waxaa la idin farayaa iu gudbisaan guddida qandaraasyada qaranka hawlaha iibinta iyo soo iibinta alaabaha ama baahiyaha kala duwan ee ka badan $5,000 (shan kun oo dollar).

Sidoo kale waxa la farayaa xisaabiyaha guud iyo hanti-dhawraha guud ee qaranka in ayna sii dayn kharash ka badan $5,000 (shan Kun Oo Dollar), arrintan khuseeya oo aan soo marin guddida qandaraasyada qaranka.”

Ayaa lagu yidhi wareegtadan oo uu ku saxeexnaa madaxweynaha Somaliland, Mud. Muuse Biixi Cabdi

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker