Kalfadhigii 67-aad ee Golaha Guurtida oo Furmay Magaalada Hargeysa

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u furay  Kalfadhiga 67-naad ee aqalka odayaasha Somaliland.

 

 Guddoomiye  Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka warramay fadhigoodaasi xaaladda amniga ee waddanka   iyo doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Waxa kaloo    uu guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ka hadlay nabadaynta beelihii ku diriray gobolka Sool,waxaanu balanqaaday in ay ka gole ahaan diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan nabadaynta jufooyinkaas walaalaha ee dirirtoodu dhalisay dhimashada dad ku dhow toddobaatan qof.

Guddoomiyaha  Guurtiddu wuxuu intaas ku daray  in muddada uu socdo kalfadhigan 67-aad ay xildhibaannadu ku ansixin doonaan xeerar kala duwan oo golaha horyaalla isla markaana la qaban doono waxyaabo badan oo shaqadooda ka mid ah.

 Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in aanay haynin wax war ah oo ka dayrinaya in doorashooyinkii Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanku dib u dhacayaan, waxaanu xusay inay ku talogalayaan inay wakhtigoodii ku qabsoomayaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker