Debed Baxyada Ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Ahaa kuwo laga Soo Abaabulay, Baraha Bulshadu ku kulanto.

Muqdisho (OWN) Inkastoo wax banaan bax ah uusan ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay, baraha bulshada laga abaabulayay dibadbax la sheegay in uu 18-ka bishan ka dhici doonaa magaalada Muqdisho, kaas oo dadka ku howlan ay shegeen inay ku dalbanayaan xal u helida dhibaatooyin ay shegeen inay heystaan shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Mid kamid ah dadka wax ka abaabulaya dibadbaxyada ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay dibadbaxa u dhigayaan ay tahay dhibaatooyinka heysta.

“In shacabka gobolka Banaadir ay codkooda gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, beesha caalamka oo ay caddeeyaan dhibaatada heysato oo ay kamid tahay in aysan jirin xuquuqd dadka ay u baahan yihiin oo ay kamid tahay in aysan nabad jirin, in aysan jirin wado la maro oo haweenka waddooyinka ay ku dhalayaan, in aan la shaqeysan karin oo qaanuunka la iska dhaga tiray oo dadka la iska dilayo”. Waxa sidaas BBC-da u sheegay Cabdi Farax oo kamid ah dadka wax ka abaabulayo dibadbaxyada la hadal hayo.

Salaad Cali Jeele oo ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya oo isna BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowlada shisheeye iyo siyaasiyiin soomaali ah ay gadaal ka riixayaan dibadbaxyada la hadal hayo ee Muqdisho.

“Dowladda Imaaraatka waxaad ogtahay inay faragelin ku heyso dowladda Soomaaliya tan iyo markii dowladda ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta, banaan baxaas waa mid barakaacyaasha lagu siinayo lacag oo lagu dhahayo laamiga fariista”. Ayuu yiri Salaat Cali Jeele.

Hasa yeeshee hadalka Salaat Cali Jeel ayaa waxaa beeniyay Cabdi Farax oo kamid ah dadka wax ka abaabulayo dibadbaxyada Muqdisho, waxaana uu intaa raaciyay in si walba ay ula hadleen dowladda, taasi na ay shaqeyn weyday.

.Lahaanshaha sawirkaCABDIFATAAX JAANTE
Image captionWadooyinka Muqdisho

Muuqaalada aan la hubin ee tooska

Waxa saaka baraha bulshada qabsaday muuqaalo loo ekeysiiyay kuwa toos ah, balse la duubay dibadbaxii ay magaalada Muqdisho ka dhigeen darawalada Bajaajta dhowr maalmood kahor, taaas oo ay kaga ashtakoonayeen dilalka loo geysto.

Muuqaaladan ayaa dib loogu baahiyaya Facebook-ga, waxayna u muuqdeen kuwa lagu kicinayo dadka, laguna jahwareerinayo.

Garab istaaga cullimada Muqdisho ee dowladda

Dibadbaxyada la hadal hayo ayaa sidoo kale waxa ka hadlay cullimada magaalada Muqdisho, kuwa oo sheegay in banaan baxyadaas aysan waafaqsanayn diinta Islaamka.

“Walaalayaal in dowlad sharci ah oo dalka si nidama ku maamusho lagu banaanbaxoo oo laga hor yimaado oo la muujiyo muqaalo diidma ah, iyo in dad siyaasiyiinta dowladdas mucaaradaya ay shacabka ka dhigtaan gabaad dana siyaasdaeed awgeed, Diin ahaan ma banaana”. Sidaas waxaa warbaahinta dowladda ka sheegay sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna ka hadlay warbaahinta Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digey in aysan qaldin kuwa uu sheegay inay leeyihiin dano gaar ah iyo in aan loo baahnayn in fawdo iyo qalalaase la geliyo caasimadda dalka.

Hasa yeeshee hadalka cullimada ayaa waxaa saluugay hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waxaa maalmihii ina dhaafay warbaahinta laga hadalsiiyey dad la soo abaabulay oo magac culimo, siyaasi iyo odayaal ku hadlaya. Dadkaasi marna ka damqan wiilashii xoogsatada ahaa ee xaqdarida lagu dilay, shacabkii rasaasta lagu laayey markii ay ka mudaaharaadeen dilkii xaqdarida ahaa iyo ku dhowaad afartameeyadii wiil ee xabsiga la dhigay, iyagoo waxba galabsan. Waxaa taa ka sii daran in ilaa iyo haatan hal ruux oo gacan ku dhiigle dil geystay ah aan cadaalada la hor keenin”.Ayuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Waxa kale oo uu inta raaciyay in xaq dastuuri ah ay tahay in muwaadinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay dareenkooda isku soo bax nabadeed ku cabiraan.

.Lahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionCiidamada rabshadaha ka horataga

Ciidamada rabshadaha ka horataga

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday abaabul iyo diyaar garow ay uga hortageyso dibadbax walba oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska dowladda federaalka, Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyada la hadal hayay maalamahan, kuwaa oo looga soo horjeedo siyaasdaaha dowladda federaalka, waxaana madaxda amniga ay maalin kahor magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen ciidamo loo diyaariyay ka hortaga rabshadaha.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ciidamo soo dhoobtay isgoyska magaalada Muqdisho, si haddii ay wax dhacaan ay uga hortagaan.

Dhowr maalmood kahor ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka loo geysto darawalada Bajaaj-ta, waxaana madaxda maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ay ballan qaadeen inay wax ka qaban doonaan dilalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker