Ilbaxnimooy Maxaa tahay, Maxaa se ka Dhexeeya Ilbaxnimada iyo Nabadda?
Tan iyo intii uu Ilaahay ku abuuray Aadamaha adduunkan aan ku noolnahay, ka hor intii aanay soo dagin diimaha kala duwn ee maanta aadamuhu kala aaminsanyahay ama haysto, aadamahu waxa uu soo maray sadex hab nololeed. Hab nololeedkii ugaadhsiga, Habkii meel degga iyo beero falasha iyo habnololeedkii farsamada iyo magaalo degga.
Hadaan eegno hab nololeedkii ugaadhsiga iyo bilawgii Af-ka/luqadda iyo bilawgii dhaqan ee bulsho meel dagta gaar ahaan Somalida.
Nolashii ama dhaqankii aadamuhu xiligii ugaadhsigga waxa uu ahaa hab nololeedkii ugu horeeyay ee aadamahu soo maro, goortaas oo uu waxa yar uun ka horu marsanaa dugaagii iyo duurjoogtii ay ku tartamayeen quud maalmeedka. Aadamaha ama dadka xiligaas noloshiisu waxa ay ku xidhnayd ama uu cuni jiray midhaha geedaha, caleenta iyo duurjoogta uu ugaadhsan jiray. Waxana tartan kula jiray ama naftiisa halis u ahaa habar dugaagga, sida libaaxa, waraabaha, shabeelka IWM, oo iyaguna ugaadhsanayay duur jogta ama wixii aan ahayn dugaag ay ka baqaan.
Hab nololeedkan uu soo maray aadamuhu meel kasta aduunka ha ka joogee sida Afrika ,Yurub, ama Aasiya raadinta quud maalmeedka waxa kale oo dheraa ilbaxnomo marba marka ka damabaysa u kordhaysay, ha haato la haansho af, dhanqan iyo farsamoba.
Xilgaa uu aadamuhu ku jiray hab nololeedkii ugaadhsiga, bulsho kasta oo meel dagani waxa ay samaysatay ama yelatay dhaqan iy af ay kuwada hadlaan, afkaas iyo dhaqankaas ay bulsho kasta oo meel deganayd ay samaysatay ama yeelatay waxa ay mareen marxalado kala duwan.
Afka ay bulsho meel dagni samaysatay ama ay isku afgarato kumuu iman 100 sano iyo laba boqol midna. La haanshaha AF ee bulsho meel dagani waxa ay qaadatay uGu yaraan kumaanku sano. Maxaa yeelay af laguma dhasho ee waa af hooyada laga barto marka la yahay carruurta.
Afka/luqad bulsho meel daganayd ay leeday laga bilaabo eraygii u horeeyay iyo ka maanta u dambeeyay hodanimada af-kaas waxay ay ku soo xidhnayd sida jiilba jiil ugu sii gudbinayay jiil, taas oo jiilwalba erayo ku sii darayay. Abuuridda erayada cusub ee af-ka ayaa waxa ay kolba ku xidhnayd marxaladahii jiray , duruufihii adkaa iyo badhaadhihii jirayba.
Marxaladihii kala gedisnaa ee ay bulsho marto ayaa keentay in Af-kii/luqadii bulshadaasi noqodo hodan yeeshana sugaan ku salaysan af-kaas, ha ahaato, gabay, hees, buraanbur, dhaanto, geeraar iyo sheekoba sida hadaan eego AF-Somaliga.
Af- Somaliga ugu hodansan waxa lagaga hadlaa Somaliland, af-somaliga ay ku hadlaan Somalida Somaliland ayaa ah af qoto dheer, oo mug iyo baaxd leh , taas oo caddaynaysa in ay Somaliland ahayd meeshii uu ka bilaabmay af-somaligu kadibna ku fiday degaanada Somalida oo dhan. Curiyeyaashii, hesaagii, gabyeyashii iyo dhamaan suugaaniyahankii ugu tunka waynaa waxa ay dhamaantood ka soo jeedeen Somaliland, oo fanka iyo heesaha Somaligu ka curteen Boorama iyo Hargeisa. .
AHUN hadaan egno af Somaliga ama majaajilada uu samayn jiray Boon xirsi, San-gub, Yam yam, iyo gabayadii Gaariye, Had-raawi, Cabdi-qays iyo hal-abuuro aan la soo koobi karayn oo uu ka mid yahay ab-waan dheeg oo u soo joogay is afgaran waagii Somaliland iyo Somalia ee 60-yadii, markii ay laba dal isku biireen. Inkasta oo af-Somaligii degaanada kale ee Somalidu horumar sameeyay tan iyo markii la qoray af-Somaliga, hadana waqti dheer ayay qaadanaysaa in af-Somaliga Somaliland wada gaadho deeganada Somalida, haddii aanu af-somaligu sii wiiqanba.
Hodanimada af ee bulsho ayaa waxa ay keentay in aadamahu wada hadlo, oo kolba wixii dhib iyo dagaal dhexmara bulshada lagu furdaamiyo dhaqan iyo af-kaa ay bulshadaasi soo wadaagaysay, taas oo keentay in ay yaraato colaaddii. Iyada markii hore aadamuhu sida dugaaga isu laynayay intii aanu af samaysan.
Hadaan eegno nabadda iyo isxushmaynta ka jirta Somaliland waxa sal u ah Af-ka hodanka ay iyo dhaqanka soo jireenka ah ee ku lamaan Af-Somaligaa hodanka ah.
Somaliland dagaalka gacan ka hadalka ihi wuu ku yar yahay marka aad garab dhigto degaanada Somalida ee kale, maxaa yeelay intaanu gacan ka hadal dhicin labadi qof waxa ay ku kala baxaan af-ka ama hadal iyo is qancin.
Dhinca kale Hadaan eegno reer Jabuuti dagaalka gacan ka hadlku aad ayuu ugu badan yahay, oo af-kii gacan baa ka soo horayasa, maxaa yeelay af-Somaligooda ayaa liita, oo af-fransiiskii ayaa ku milmay ama wiiqay af-somaligoodii. Hadaan eegno bari dhawayd waxa ka dhacay wadanka Belgim in inan dhalinyara ah oo reer Jabuuti ah, ay dhalin yaro ah oo reer Jabuutiya ay indhaha ka tuuraan, taas oo ay ugu wacan tahay ka arad-naanta afka-Somaliga, Ilbaxnimada, iyo isqancin la’aanta ku salaysan Af-Somaliga Inkasta oo ay dhici layhayd in ay isku qanciyaan Af-fransiis oo ay kaga fiicnayeen af-somaliga, hadana waxa ka awood roonaaday af-somaligii iyo dhaqankii ay haysteen. Waxa aad ku arkaysaa baraha bulshada, dalin af-Somaligoodu iyo ilbaxnimadoodu liidato oo kali talisnimada ina Geele dusha ka saara Khadra Xayd, dhaqanka Somalida laguma arag aflagaadaynta haweenay u dhaxday reerkiina, ama dumarba guud ahaan.
Waxa ka dhacda Jabuuti in si dhib yar uu qofka cadhooday qof kale u dili karo, haba u badnaadeen dadka aan u dhalan Jabuuti, ee aan haysan cid u aarguda.
Somliya xageeda waxa ay dagaaladu ka socdeen 27-sanadood, taas oo ay ugu wacan tahay, Somaliya ma laha dhaqan sal adag oo ku lamaan af-Somali hodan ah ama af kaleba, af-somaliga reer Somalia aad ayuu litaa, suugaan iyo dhaqan soo jireenana ma la ha, taas oo keentay in uu dagaal ka soco mudo ku dhaw 27-sanadood.
La’aanta dhaqan iyo Af-hodan ah oon ku lamaanayn ayaa waxa ay keentaa, been, tuugo iyo dhac ku bata bulshadaas, taas oo Somalia ka soo socotay 27-sanadood ee aan ku jirno.Taas oo adkaynaysa wada noolaanshaha iyo wada jirka Somaliland iyo Somalia.
Inkasta oo ay waxbarashu qayb tahay ilbaxnimada, oo qofkii wax bartay u furmayaan indhuhu taariikhaas iyo cilimigaa aduunka ee uu bartay awgeed, hadana qof wax ku bartay Ingriis, Talyaani ama Fransiis ku ah af qalaaad way ku adkaanaysaa in uu la jaanqado dhul hooyo oon lahayn af hodana iyo dhaqan ku lamaan.
Aduunka wadanba wadanka uu ka af-hodansanyahay ayay ummadiisu ka ilbaxsan tahay, ,ka nabad jeceshay kana naxariis Aadanimo badan tahay. Hadaad eegto wadama horumaray gaar ahaan reer Galbeed-ka, aadamahii dhaaf oo bisadahii iyo aydii ayaa dhakaatiir u gara, cuntooyin u gaara iyo hay’addo ka shaqayeeya nadaafadooda oo tima iyo cidiyaha ka gaabiya ayaa loo sameeyay.
Aduunka wadamadii uu dhaqankoodu ama af-koodu liito ha ahaato Afrika, Carab iyo meelo ka tirsan Asia ayaa waxa ka dilaacday dad-qalato dil , dhac, caga juglayn, xabsi iyo kali talisnimo ku haysa, oo adduunkii ka hadhay. Waxa aad ku arkaysaa Afrika wadamo loo soo halgamay madax banaanidooda xiligii uu haystay Saan Cadalaahii Yurub, oo ku manaan u dhinteen, waxa se SAAN CADAALIHII badalay SAAN MADOOBE kali taliye ah, oo aad moodo in uu dhaamilahaa SAAN CADAALIHII.
Inta ay MAANDEEQ U DABRANTAHAY SAAN MADOOBE UGA DARAY SEETADII SAAN CADAALAHA, WAXBA YAAN LOO DABAAL DAGIN WAA MAALINTII XORNIMADA/MADAXBANAANIDA.
Qofka aadmaha ihi waa in uu lahaadaa ama haystaa
1. Hadal madax banaan/freedom of speech
2. Xaq ku lahaansha dalkiisa, mid ganacsi iyo mid hanti oo sugan
3. La haansha ha cod xor ah, oo u ku dooran karo hogaamiye/Political freedom
4. Xor u ahaansho ku dhaqanka diinta uu doorto ama aaminsan yahay.
Haddii qofka aadama ihi aan ku haysan dalkiisa afartaas arimood waa qof ku nool wadan ay Ilbaxnimo la’aan iyo jaahilnimo ku habsatay.
Mohamud Aden Samatar
Re: Xog: Maxaa sabab u ah in Ex.Wasiir Cali Mareexaan uu isu rogo Mucaarad Iyo Sababta Dhaliilaha Maayar Muraad Ka Danbaysa.