Dowladda Koonfur Afrika Oo La wareegtay Maamulka Gobolka Waqooyi Galbeed Ee Dalkaasi.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa toos ula wareegtay maamulka woqooyi galbeed ee dalkaasi. Gobolkaasi ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata kaddib markii shacabka ay dalbadeen in barasaabka gobolkaasi uu iscasilo sababa la xiriira musuq ka jira maamulkiisa.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa bishii la soo dhaafay waxa uu si deg deg ah uga soo baxay shirka waddamada barwaaqa sooranka oo lka dhacayay dalka Britain si uu u qaboojiyo xiisadda ka aloosan hgobolkaasi.

Ramaphosa ayaa la dagaalanka musuqmaasuqa ka dhigay muhiimadda maamulkiisa, waana markii ugu horreysay oo dowladda Koonfur Afrika ay toos ula wareegtay maamulka gobol ka mid ah gobollada dalkaasi.

Madaxwene Cyril Ramaphosa ayaa qaaday tallaabadan si uu u soo afjaro dhibaatada siyaasadeed ee maamulkiisa soo wajahdo tan iyoi markii uu xilka qabtay iyo in uu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa ahaa in uu la dagaallamayo musuqmaasuqa.

Shacabka gobolkan ay rabshaduhu ka dheceen ayaa waxa ay ka careysan yihiin adeegyada bulshada oo aan sidii la rabay aanay u helin iyo adeegga caafimaad ee gobolka oo qarka u saaran in uu burburo.

Dhawaan ayaa dhakhaatiir caafimaad oo ka socda milatariga dalkaasi waxaa la geeyay cusbitaallada gobolkaasi si ay dadka ugu fidiyaan daryeel caafimaad.

Barasaabka gobolkaasi Supra Mahumapelo ayaa loogu baaqay in uu iscasilo haseyeeshe waxa uu beeniyay eedeymaha ka dhanka ah maamulkiisa, waxa uuna hadda shaqada ka qaatay fasax.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker