Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab Oo Dagaalamay

Dagaal udhaxeeya Ciidanka Dowladda Somalia iyo dadka Deegaanka oo isku dhinac ah iyo Ururka Alshabaab ayaa saakay ka dhacay Deegaanka Muqakori oo qiyaastii 40KM ujira Magaalada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid kadib markii alshabaab dadka deegaanka ay kusoo rogeen in ay bixiyaan wax ay ku sheegeen Sakawaadka, waxaana dagaalkaas ka dhashay Qasaare dhimasho iyo Dhaawacyo leh.

Gudoomiyaha Degmada Buula Burde Cabdi Daahir Guure oo waraysi gaar ah siiyay Horseed Media ayaa sheegay in ay dileen 7kamid ah Dagaalamayaasha Alshabaab sidoo kalana ay ka dhaawaceen inkabadan 10kamid ah Alshabaab, waxa uuna dhankooda sheegay in uu hal askari kaliya kaga dhintay dagaalka.

Dhinaca kale Ilaa hadda ma jiro wax war oo ka soo baxay dhinaca al-Shabaab ee ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanka Moqo-kori

Dhawaan ayey ahayd markii saraakiisha ciidanka xooga dalka ay howl gal ku qaaadeen deegaanka Moqo-kori, oo ay gacanta ku dhigeen deegaanka, inkastoo markii dambe ciidanka xooga dalka ay isaga soo baxeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker